Hargeysa (CH)- Gabadh ku dhaqan magaalada Hargeysa, ayaa kufsi lagula kacay iyada oo tahriibaysa kala kulantay arrin caloolyow iyo murugo ku abuurtay, kaddib markii baadhis caafimaad oo ay isku samaysay ku ogaatay inay qabto Cudur-sidaha HIV/AIDS.
Gabadhan oo wakhtigan ku nool magaalada Hargeysa, waxa ay calool-xumada dhacdadan uga sheekaysay Wariye Sagal Filibiin oo ka tirsan Idaacadda Radio Hirad.
Halkan ka dhegayso murugada Sheekhadan oo qayb ka ah dhibaatooyinka ay gabadhuhu kala kulmaan tahriibka.