Hargeysa, Somaliland – Warsaxaafadeed naga soo gadhay gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee USA Maxamed-Nasir M. Dhoore oo ku dhaliilay weedhaha siyaasadaysan ee ka soo burqanaya asxaabta mucaaridka ah, madaxdooda qaar ka mid ahi hadalo melena haysan had iyo jeer laga maaqlo.
Warsaxafadeedkaas oo dhamaystiranina wuxuu u dhignaa sidan.
“Bismilaahi raxmaani raxiim, marka ugu horaysa waxa mahad iska leh ilaahay casa wa jal. Waxaan doonayaa maanta in aan wax yar ka idhaahdo hadalo aad looga naxo oo ayaamahanba kasoo burqanayay qaar ka mid ah madaxda Asxaabta oo aan loo meel dayin. Waxaan si gaar ah ugu jawaabayaa Hadalkii ka soo yeedhay Jamaal Cali Xuseen oo ah musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID iyo Xildhibaan Mahdi Buubaa oo ah Afhayeenka Xisbiga WADDAN”I.
- Safarka Madaxweynaha: Marka ugu horaysa Safarka Madaxweynuhu uu ku tegay Gobolka Awdal iyo Gobolada Kale ee Somaliland waa mid loo baahnaa mihiimad balaadhana leh. Reer Awdal Madax dhaqameedkoodii iyo siyaasiyiintoodiiba Madaxweynaha way is arkeen waanay ka wada hadleen wixii tabasho ah ee jiray. Waxaanse la yaabanahay Madaxda Xisbiyada aan kor ku xusay waxay si badheedh ah oo iska indha tirida u rabaan qas iyo iska horkeen waayo hadaladoodu waa kuwo xajiimaysan oo dab ka sii shidaya wada hadalkii iyo is afgaradkii socday. Jamaalna waxaan leeyahay Safarka Madaxweynuhu macno daro maahee waxa uu tuulo tuulo u tegay dadkiisii iyo dalkiisii, waa markii ugu horaysay ee taariikhda dhulkaa uu tago madaxweyne Somaliland ka socdaa waana meelaha ay yaalaan baahiyaha ugu darani ee asaasiga ah sidaa darteed Jamaaloow waxay ahayd in aad adigu dhulkaas martid Wadankuna Hargeysa, Gabiley iyo Borama oo kali ah maaha ee wuu ka balaadhan yahay.
- Doorashooyinka: Waxaan usoo jeedinayaa madaxda Xisbiyada Mucaaridka inay sharciga ilaaliyaan oo aanay ku hadlin waxyaabo sharci jabin ah oo aan dastuurka waafaqsanayn. Waxa uu Dalka Somaliland leeyahay Dastuur iyo Qaanuun aynu raacno. Duruuf kasta oo inagu timaada waxa jira Qodob distoori ah oo qeexaya waxa la yeelayo iyo wadada la marayo. Waxa soo noqnoqonaysay in Xisbiyada Mucaaridku ay ku hadaaqaan waxa la samaynayaa Dawlad Wadaag ah. Taasi waxay baal marsan tahay sharciga iyo distoorka inoo yaal mana aha mid iyaga, iyo madasha wadatashiga toona u taal ee waa mid u taal hayadaha Sharci dejinta sida Guurtida iyo Wakiilada. Waxaanu ognahay in Xukuumadu wixii kaga soo hagaagay arimaha doorashooyinka ay dhamaystirtay Waxaanay Arintu u taal hada iyo wixii ka danbeeya Komiishanka Doorashooyinka. Waxaan usoo jeedinayaa Asxaabta in ay joojiyaan hadala aan loo meel dayin isla markaana ay miiska la yimaadaan wax lagu doorto oo ay shacabka ka iibiyaan.
Alla Mahad Leh
Maxamed-Nasir M Dhoore
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee USA