Wasiirka Kalluumaysiga oo Cudur-daar u sameeyey Kalluumaysiga Sharci-darrada ah ee Xeebaha dalka

0
323

Hargeysa (CH)- Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) ayaa sheegay inay jiraan Kalluumaysato Yamaniyiin ah oo dhibaato ku haya Xeebaha Somaliland. Waxa uu sheegay inay doonyo badan oo sharci daro ah qabteen sidoo kalena xattaa kuwa sharciga haysta dhimi doonaan si Bulshada Somaliland fursad ugu hesho ka faa’iidaysiga Kaluunka.

buureed“Yemeniyiintu si sharci iyo si aan sharci ahaynba way ku yimaaddaan, waxaana badan inta aan sharci ku joogin. Runtii marar badan baanu ka wada-hadalnaa wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Ciidamada Ilaallada Xeebaha sidii wax looga qaban lahaa. Doonyo la soo qabtay way jiraan, waanu kala saarnay oo wixii sharci aan lahaynna tallaabo ayaa laga qaaday, wixii sharci haystayna waa la sii daayey. Laakiin, wali waxaasi maaha wax ku filan, doonyaha Yemeniyiinta ee sharci-darrada ku jooga dalkeena aadbay u fara-badan yihiin, laakiin waxaanu go’aansannay inaan wax sharci ah la siinin Yemeniyiinta, waxaanu samaynay sahan annagoo oo xeebaha tagnay sida hal mar loo wada-joojin karo inaan cid Yemeni ah sharci la siinin, cashuurna laga qaadin oo la yidhaahdo waddankaba ma iman kartaan. “

Wasiirku waxa uu sheegay inay jirto Caqabad ay kala kulmayaan Bulshada Somaliland marka ay qabanayaan Kaluumaysatada sharci darada ah, waxaanu yidhi, “Laakiin mushiladda meesha taallaa ee na qabsatay waxa weeyi dhammaan magaalooyinka Xeebaha ku yaallaa Saylacna ha ahaatee, marka laga reebo magaalada Berbera, waxay dadka ku nooli aaminsan yihiin haddii aanay Doonyaha Yemeniyiintu imanaynin, inayna iyaguna joogi karayn oo ay ka tagayaan oo waxay ku odhanayaan ‘haddii aad joojisaan (Kalluumaysatada Yemeniyiinta ah) annaguna waanu ka baxaynaa’, haddii iyaguna ay ka baxaan waxa toos u imanaya Yemeniyiinta.”