Hargeysa (CH)- Dadweyne u badan Dhalinyaro ayaa maanta Banaabax ka dhigay Magaalada Hargeysa, kaas oo ahaa mid lagaga soo horjeedo Sawirada Nabigeenna Suuban NNKH wax lagaga sheegay ee Wargeyska Faransiisku faafiyay.
Dadka isku soo baxay ayaa ku dhawaaqayay ‘Allahi Akbar ama Illaahay baa Wayn’ waxaanay siteen boodhadh lagu xardhay Naftaada U Hur u Hiilinta Nabiga iyo Diinta Islaamka iyo waliba “Haddii Xarriyaddiina hadalku sidaas tahay,idinkuna u adkaysta Xorriyadda Ficiladayada”.

“Waxaanu Nahay dhalinyaro ka dhiidhiday Nabiga(CSW) la caayay ee Dadkaas xun ee Gaaladda ahi caayeen ee Hadalada iyo sawirada foosha xun ka sameeyeen. Waxa kale oo aanu leenahay dhalinyarada iyo dadka waaweyn ee Nabiga Caaya Illaahay ka baqda Nabigana Adeeca” ayaa ka mid ahaa hadalka ay warbaahinta u sheegeen Dadka Mudaharaadka dhigayay.
Banaabaxyo kala oo lagaga soo hor-jeeday Aflagadada uu Wargeyskasi ka soo baxa Dalka Faransiisku u geystay Nebigeenii Maxamed (NNHKH) ayaa ka dhacay meelo badan oo ka mid ah Wadamadda Islaamka.