DAWO: Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Sheegay inn Lagu Degdegay Nidaamka Wadooyinka Caasimada Hargeysa

0
296

Hargeysa, Somaliland – Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, ayaa sheegay inuu bulshada reer Hargeysa ka raali galinayo Qorshaha lagu degdegay ee Wasiir Warancadde ku kala bedelay Jidadka Hargeysa, taas oo hal haad lagaga dhigay Jidka Madaxtooyada Hor Mara.

Duqa Caasimada oo Maanta Warbahintu su’aalo ka waydiiyeen ayaa ugu horayn ka hadlay wax ka badelka nidaamka wadooyinka ee casimaada Hargeysa: “Waa Run oo waa shaqadayadii,arrinkana waxaa hore loogu soo hadal qaaday Guddida Bilicda,waxaana soo jeediyay Wasiir Xaglotoosiye, waxay ahayd Arrin farsamo oo ay ahayd inaanu annagu eegno oo aanu ku maqnayn” ayuu yidhi Maayarku.

Maayar Soltelco waxa uu intaasi ku daray “Waxaa ku jira degdeg aan ka raaligalinayo dadka inay degdeg u dhacday, oo ay ahayd in dadka la wacyi galiyo,taasina waa arrin dib loo eegi doono wixii khaldamay iyo wixii soo baxay”

Duqa Caasimadda Hargeysa waxa uu si kulul uga jawaabay su’aalo la xidhiidha inuu ku fashilmay shaqadiisa sidaas darteedna Wasiir Warancadde hawshiisa la wareegay ayaa ku dooday inuu horumar gaadhsiiyay Caasimada islamarkaana uu dalka keenay maayaro waddooyinna ka sameeyay.

Hadalka Maayarka ayaa imanaya iyadoo dhawr xildhibaan oo Golihiisa degaanka ka mid ahi eedeeyeen Wasiir Warancadde oo ay ku eedeeyeen inuu hawlihii Dawladda hoose faro galiyay isagoon kala tashan.

HALKAN KA DAWO: