Hargeysa, Somaliland – Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDNI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta dalka ku soo laabtay kadib markii uu muddo safar ugu maqnaa Wadamada Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta.
Guddoomiye Cirro oo taageerayaal tiro badan ku soo dhaweeyeen Madaarka Hargeysa ayaa sheegay inuu ku maqnaa safar dano gaar ah u badnaa balse uu danta Qarankana waxyaabo ka soo qabtay. Gudoomiyaha oo warbaahintu waydiisay aragtidiisa ku aadan Safarka Madaxweyne Siilaanyo ku tagay Gobolka Awdal oo waxbadan ka tabanayay Xukumadda waxa uu yidhi “Dee safarku hadduu ahaa mid wax ka qabanaya tabashada waxay ila tahay inuu munaasib ahaa laakiin, mar haddaan waxba laga soo qaban waxaa laga yabaa inaanu waxba ka bedelin jawigii jiray.”
Gudoomiye Cirro waxa kale oo uu ka hadlay Laydhka Berbera ee dawladdu shirka gaar loo leeyahay ku wareejinayso “Sidaad ka warqabtaan Saaxil Cimiladeedu way ka duwan tahay gobolada kale intooda badan,Laydhku waa Mushkiladda ugu adag shacbiga Xeebaha Somaliland gaar ahaan Berbera, markaa dadku waxay u baahan yihiin Laydh jaban oo dawladdu leedahay oo la Xakameeyo, markaa Mawqifkaygu waxa weeye in Shacbigu helo Laydh jaban oo dawladdu leedahay”
Gudoomiyaha Waddani iyo Wakiiladu waxa uu sheegay in Xisbigiisu taagan yahay in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo islamarkaana Komishanku ku dhakhsado hawlaha ka dhiman “Hawshaa doorashada annaga Xisbi ahaan Mawqifkayagu waxa weeye in Doorashada la qabto xiligeedii, wixii hawl ah ee la qabanayana waxaa laga rabaa Komishanka oo xilku saaran yahay, oo anigu waxaaban ranaynayay in Wakhtigan Qandaraasyadii iyo Diwaangalintii Codbixiyeyaashaba lagu dhawaaqo laakiin hadda uun baanu xogogaal u noqon wixii socda”ayuu yidhi Gudoomiye Cirro
HALKAN KA DAWO: