“Anigu Calanka Somaliland ayaan u dhaartay, Hadii Calanka Somaliya ka Dul Qudbadeynayo miyaan Xamar Tago” Guddoomiye Baashe

0
344

Hargeysa, Somaliland – Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, oo hogaaminayay wefti Somaliland ah oo ka qayb galay Caleemo Saarka Garaadka Buudoodle Garaad Cabdirisaaq Duraan ayaa sheegay inuu ka soo baxay Munaasibada Caleemo saarka ka dib markii lagu shaqlay Calanka Somalia.

“Jaraa’idka qaarkii ayaa maalmahan qorayay Gudoomiye xigeenku wuxuu ka soo cadhooday Buuhoodle, kama soo cadhoon ee Xafladdii dhaqan ee aan u tagay way dhamaatay,markii Caleemo saarka la sameeyay ee uu dhamaaday ayaa meeshii laga hadlayay la soo dhigay Calankii Somalia. Markii Calankii Somalia lagu sharaxay intii aan hadalka la isiin ayaan idhi ka qaada Calanka, markaas aniguna Qaranka Somaliland ayaan u dhaartay oo ma dhex fadhiisan karo Calanka Somalia, haddaan dhex fadhiisanayana dee Xamar baan tagi lahaa” ayuu yidhi Gudoomiye xigeenku.

Gudoomiye xigeenka ayaa sheegay inaanu halkaasi cadho kaga iman balse uu hadalkii madasha uu ka jeedin lahaa uga tanaasulay Calanka Somalia oo lagu shaqlay Masrixii laga hadlayay, sidaasi darteedna damiirkiisu siin waayay inuu Calanka Somalia hor istaago.

Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye oo madashaasi ka hadlay ayaa Kamaraduhu qabteen isagoo hortaagan Mimbar lagu sharaxay Calanka Somalia, balse waxa uu madasha ka jeediyay hadalo adag oo uu kaga digayo in Munaasibada Ugaaska la siyaasadeeyo.