”75 sano ayaa beeshu deggenayd buurtaasi, cid kalena.” Nuur Rayaale
”Kheyraadka buurtaasi waxa uu ku filanyahay Afrika oo dhan, waana ….” Injineer Abshir Miigane.
‘”Waa inay odayaashii iyo masuuliyiintii ka hadlay buurtaasi raalligelin ka bixiyaan”
Boorama, Somaliland – Siyaasiyiin iyo madax-dhaqameedyo ka soo jeeda beel ka mid ah beelaha reer Awdal ayaa dhinacyada heshiiska ku galay Macdan-qodista Buurta Siimoodi uga digay inaanay hawshaasi socon doonin hadii la fulin waayo shuruudo ay ku xidhaan mashrcuucaasi.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, Beesha Nuur Yoonis (Reer Nuur), kana mid ah ardaayada beelaha Makaahiil/Samrroon oo ka jawaabaya hadallo dhawaan ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan xukuumadadda Madaxweyne Siillaanyo, oday-dhaqameedyo iyo siyaasiyiin ka soo jeeda degaanka Baki, kuna saabsanaa heshiiska xukuumadda, beelaha degaankaasi iyo shirkadda Shiinuhu ku gaadheen macdan qodista halkaasi ayaa sidoo kalena weeraray shirkadda Shiinaha ugana digay inay sii joogto halkaasi ilaa hawshaasi lagala xaajoodo dhinacooda.
Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay Nuur Rayaale oo ka mid ah golaha Guurtida, ayaa yidhi: “Waxaan u fadhinaa halkani waa nabad, waxana noo dheer jawaab aanu ka bixinaynno niman sheegtay degaanka Baki iyo Siimoodi. Waxaan leeyahay sheegashada Buurtaasi aad sheegateen iyo heshiiska Shiinaha lala galayba waa dembi, mana oggolaan doono in Xukuumaddu beel keliya oo halkaa noogu timi heshiis la gasho, waxaan leeyahay arrintaas ragii ka hadlay ee dawladda ka tirsanaa raalligelin haka bixiyaan, hadii kale waxa ka yimaadda halkaasi iyagaa qaadan doona.”
Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi: “Hal erey dawladda ayaan leeyahay, halna cida sheegatay buurtaasi, halna dadweynaha degaankaasi. Xukuumadda waxaan leeyahay heshiiska lala galay beesha sheegatay buurtaasi waa dembi, mana soconayo. Shacbiga waxaan leeyahay dad walaalo ah ayaad tihiine yaan la isku kiin dirin. Oday-dhaqameedyada iyo masuulyiintii arrintaa ka hadashayna waxaan leeyahay been ayaad sheegeyseen, waxaad ku hadasheenna dhaadasho ayuu ahaa, mana aqbali doono, khayraadka buurtaasi Soomaali oo dhanbuu deeqaa ee beel shalay timi halkaasi ma sheegan karto.”
Injineer Abshir Miiggane, kana mid ah aqoonyahanada beeshaasi oo tafaasiil ka bixiyey heerarkii ay soo martay sahaminta macdanta buurtaasi ayaa yidhi: “2009kii ayey ahayd markii anigoo shaqo ka haya degaanka Baki wasiirkii Macdanta [Somaliland] AHN Qaasim Sheekh Yuusuf aan ka qaatay liisanka macdan baadhista buurtaasi, anigoo ku qaatay magaca Shirkadda RRC (Rich Resources Company), waxaanu baadhis ku samaynnay macdanta geli karta wershedeyn (industrial) mana raadsanin gemstones, Buurtu waa siddeetan km oo dherer ah iyo 30 balaadh ah, kheyraadka ku jiraana Afrika ayuu ku filanyahay, wax reer sheegtana wey ka weyntahay. Macdantii aan sahaminta ku samaynnay waxaan u diray shaybaadh ku yaalla Shiinaha, waa la caddeeyey, laba nin oo Shiine ah ayaana isoo raacay, waxa la yidhi macdanta berylka ah waa sun khatar ah ee hala daboolo, waa la diiday oo labadii nin waa la mastaafuriyey, kuwii oo magaca shirkadii RRC u Beddelay ARC ayaa dib loo soo celiyey, wasaaradda Macdanta iyo qolyo ka soo jeeda degaanka oo xil ka haya dawladda ayaa lug ku leh. Haatan wersheddii waa la keenay, wixii suntaasi ka yimaadda iyo sida wax u socdaanna kheyr kama imanayo.”
Shirkan jaraa’id oo aad u dheera ayna ka hadleen odaydhaqameedyo tiro badan oo beeshaasi ah ayaa dhammaan hadalkoodu ku salaysnaa afar arrimood oo kala ah 1. In masuulyiinta iyo odayaasha beesha reer Maxamed/Samarroon/maxamed Case, raaligelin ka bixiyaan hadalkii ay ku sheegteen buurtaasi; 2. tan labaad oo ah in masuuliyiinta dawladda ee kala ah wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta, iyo Xildhibaan Abiib Cabdi Good aanay metelin dhammaan dadka degaanka Siimoodi; 3. tan saddexaad oo ah in shirkadda Shiinuhu magdhaw ka bixiso wixii ku dhintay buurtaasi kana baxdo halkaasi; 4. tan afraad oo ay sheegeen in wersheddaasi oo sii deynaysa qiiq sun ah, dadna ku xanuunsadeen, xoolana ku dhinteen, in beesha reer Nuur ay dawladda iyo Shiinuhuba kala xaajoodaan hawsha macdan qodista buurta Siimoodi.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI