Madaxweynaha Oo Safardheer Oo Xaga Xadka Ah Ku Maraya Galbeed illa Barri

0
273

Oodweyne, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo, ayaa maalmihii u dambeeyey Safar dheer ku marayey xuduudda ku teedsan Somaliland iyo Itoobiya.

Safarkan madaxweynuhu ku marayey deegaanada gobolka Awdal, Gabiley iyo deegaanadda  hoos yimaadda gobolka Maroodi jeex ayaa lagu sheegay inuu madxweynihu u kuurgalayo dad iyo xoolahaba ee deegaanadda ku nool, isagoo inta uu safarka u jiraba wasiir waliba ku soo bandhigayey deegaanada uu marayey waxa uu ka hirgaliyey.

Deegaanada uu marayey waxa kamid ahaa tuulooyinka ku xeeraan xuduudda Somaliland iyo Itoobiya koonfurta iyo galbeedka Somaliland, waxaana la sheegay in deegaanadda uu marayey qaar mashaariic xadhiga ka jaray qaar kalan uu u dhagax dhigay.

Madaxweynuhu wuxuu habeen hore u dhexey magaalo xuduudda Tog wajaale halkaaasi oo uu ka dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo uu ka mid yahay garoon kubadda cagta ah oo loo dhisi doono Dhalinyarada Degmada Wajaale, halka sidoo kalena uu kormeeray wax soo saarka midhaha beeraha ee Ciidanka Militariga Banka Wajaale, isagoo warbixino faahfaahsana ka dhegaystay wasiirka Beeraha iyo taliyah Ciidankaasi.

Tuulada Geed-balaadh oo uu weftiga Madaxweynuhu sii maray waxa Madaxweynuhu soo kormeeray shaqaale ka tirsan wasaaradda Xanaanada xoolaha oo hawl xoolo daaweyn ah ka waday tuuladaasi iyo nawaaxigeeda.

Sidoo kale,magaalooyinka xuduudda ku yaalla ee uu maray waxa ka mid ahaa degmadda Alla baaday oo uu xadhiga ka jaray Dhismaha cusub ee loo dhisay guriga Martida ee degmada waxaana uu kormeeray halka ay marayso wadada isku xidhaysa Magaalooyinka Allay-baday iyo Arabsiyo ee gobolka Gabiley.

Sidoo madaxweynuhu wuxuu mashaariic xadhiga ka jaray mashaariic Balligubadle ee dhinaca koonfureed ka xigta magaaladda Hargeysa, isla markaana xadku u dhow yahay, waxaanu uga sii gudbay isla gobolka Togdheer gaar ahaan degmadda Oodweyne oo uu xalay u hoyday.

Sidoo kale waxa uu maray degamda Sabowanaag oo Hargeysa hoos timaadda iyo Xaaji Faarax oo gobolka Daadmareedh ka tirsan.

Safarkan madaxweynuhu wuxu marayaa deegaanada wadooyinka ka baxsan, halkaasi oo dadweynaha ku dhaqan meelo fogaarayaasha ah kala hadlayo.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa ku Mari doono gobolo badan oo iskugu jira kuwo galbeedka, koonfurta iyo bariga Somaliland.

Dhinaca kale, xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa madaxweynaha ku eedeeyey in weftigan ay ku wehelinayaan wasiiro badan kuwaas oo faaruqiyey xafiisyadoodiii, taas oo ay sheegeen inay ku dhaliilayaan shaqooyinka ay baylihiyeen.

Sidoo kale, madaxweynaha waxay ku dhaliileen inuu markii uu Boorama tagay uu saacaddo kooban joogay, isla markaana hawlihii laga sugayey ee xaga odayaasha ahaa aanu wajaabsiin, inkastoo madaxweynuhu gobolka Awdal uu ka maray degmadda Dilla, Baki iyo Boorama oo uu habeen hore ka soo caraabay.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI