“Markii aad Nasoo Casuumteen Waxii Noogu yaabka Badnaa waxa uu ahaa inaanu ogaano inaad tihiin dal Dimuq-raadi Ah Nabadina Taalo Dalkooda hooyo ee Somaliland.”Xogyaha dawladda hoose ee Stokholm
Hargeysa (CH)- Maayarka Caasimada somaliland ee Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Solteco ayaa Xaflad Balaadhan oo ku qabtay Magaalada Hargaysa Shahaado Sharaf,Calanka Somaliland iyo Had-yado ku Gudoonsiiyay Wefti Ka Socda Dalka Sweden oo maalmihii u dambeeyey joogay magaaladda Hargeysa.
Waftigan ayaa waxa Hogaaminayay Xog-hayaha Dawlada Hoose Ee Magaalada Stockholm Mr Lors Radh ayaa dalka booqasho ku yimid ka dib markii ay casuumad ka heleen Maayarka Caasimadda Hargeysa, waxaanay booqasho ku tageen gobolka Gabiley iyo gobolka Saaaxil.
Ugu Horayn Maayar Soltelko ayaa sheegay in weftigan cusul ee dalka booqasho ku joogay uu horseeday inuu xidhiidh iskaashi dhexmaray labadda caasimadood iyo labadda maamul ee labada dal, waxaanu intaas ku daray in xogyaha dawlada hoose ee Stokholm uu safarkan yahay kii ugu horeeyey ee uu Qaaradda Afrika ku yimaaddo.
“Sidaad la Socoteen waxa Inoo Jooga Halkan Wefti Caalami ah Hadana ku jira Gaba-gabadii Soona Eegaymeelo badan Kuwaas oo ka Yimid Magaalada Stockholmee dalka Sweden ,Anaga Ka gole Deegaanka Ahaa waxaanu Waftiga Culus ugu Talo Galnay Had-yado Qaali Ah kuwaas oo ay Mutaysteen,Kuna Xasuusan Doonaan Jamuuriyada Somaliland”ayuu yidhi Maayarka Caasimadda Hargeysa Soltelko.
Mayaarka Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan maxamuud Caydiid oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas ku daray”.Had-yadahaas ayaa Wax ka mid ah Calankii Somaliland alaab ka samaysan Hidaha iyo dhaqanka u gaarka ah Somaliland Macawso iyo Koofiyadihii ay Dhaqanka u lahayd Somaliland,Anagu ka Gole Deegaan Ahaana waxa ay Nagu soo Casumeen Dalkooda Waxaanan u tagi Doona Akhirka Bishan aynu ku jirno.”
Mayaarka ayaa intii Ay waftigani dalka joogeen soo Tusay Meelaha Taariikhiga ah ee ku yaala Somaliland, Wasaarada dalka Kulan Gaar Ahna ugu geeyay Madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Xoghaya dawlada hoose ee magaalada Stockholm Lors Radh ee dalka Sweden ayaa isaguna ka Mahad Celiyay Qalabka Ay Had-yada Ahaan u siiyeen Golaha Deegaanka Ee Magaalada Hargaysa waxaana uu yidhi. “Waxaan Si Aad iyo Aad ah ugu Mahad Naqayaa Maayarka Dawlada Hoose ee Hargaysa iyo Dhamaan Xildhibaanada Dawlada Hoose ee sida wayn ee aan lasoo Koobi Karin noogu soo dhaweeyay Somaliland iyo Magaalada Hargaysa,Markii aad Nasoo Casuumteen Waxii Noogu yaabka Badnaa waxa uu ahaa inaanu ogaano inaad tihiin dal Dimuq-raadi Ah Nabadina Taalo Dalkooda hooyo ee Somaliland.”
Xoghaya dawlada hoose ee magaalada Stockholm Lors Radh ayaa sheegay inuu aad usoo jeeday dalkan afrika ku yaalla ee dimuqraadiyadda isku doortay ee hareerihiisu gubanayso, waxaanu yidhi “Dalka Somaliland waa dal Horumaray oo Macaa iskaashi wanaagsan lala Samayn Karo, waxaanu Ogaanay Sawirkii Aad Noosheegteen inuu sax yahay Nabadiina Taalo Horumarna Aad Gaadheen, waxaanan ogaanay in ay jiraan Baahiyo Badan oo ah Xag wadooyinka Taasna waanu idin kala Shaqayn Doona”
Lors Radh Waxa uu sheegay Marka uu tago Dalka Sweden inuu warbixin guud ka bixin doona Wixii ay Somaliland ku soo arkeen kuna Faafin Doonaan Dalka Sweden iyo dalalka kale ee Cilaaqaadku ka dhexeeyo.
Sidoo kale, gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliland Sweden Sakariye Wacays ayaa soo dhoweeyey xidhiidhka cusub ee u furmay Somaliland iyo Sweden, waxaanu uga mahad celiyey xubnihii furfurcoonaa ee jaaliyadda ee doorka weyn ku lahaa imaanshaha weftigan.
Gaba-gabadii Maayarka Caasimada iyo Xildhibaano ka Tirsan Golaha Deegaanka Hargaysa ayaa Gudoonsiiyay Waftiga uu Hor Kacayo Xoghaya dawlada hoose ee magaalada Stockholm Lors Radh oo ah Xog-hayaha Dawlada Hoose ee Magaalada Stockholm Ee Dalka Sweden.