Saylac, Somaliland – Dad lagu qiyaasay lixdan qof ayaa ku xaniban xadka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti ka dib markii dawladda Jabuuti diiday inay soo galaan muwaadiniin reer Jabuuti ah oo sita kaadhadhkii dhalashadda ee dalkaasi.
Illa hadda lama garanayo sababta jabuuti u diiday inay muwaadiniintaasi soo galaan dalkeedda maadaama oo markii horaba u yimaadeen, waxaana dhawrkii cishe u dambeeyey dadkaasi ku dhibaataysnaayeen goobta la yidhaa lama degaanka labadda dal u dhexeeya.
Sida wararka ka helayno dadka deegaanka lawyocaddo ayaa sheegaya in dadkan dhamaantood laanta Socdaalka Somaliland ugu dhufatay bixistii, haseyeeshee ay dhanka Jabuuti ku xidhan yihiin, iyadoo dawladda jabuuti amaro kala duwan ka soo saartay galitaankeedda.
“dadkani waxay u tuban yihiin lama deegaanka oo Somaliland waxay ugu dhufatay bixistii inay dalka ka baxeen, haseyeeshee waxa diidan inay soo galaan dhinaca Jabuuti, iyadoo dadkaasi marna ku xidhay passporka Jabuut marna yidhi afartan sanno wixii ka weyn uun baa gallay Jabuuti, dadkaasi dhamaantood waxay wada sitaa kaadhadhkii aqoonsiga Jabuuti oo waa dadkii xagaaga noqonayey”ayaa yidhi mid ka mid ah laanta socdaalka Somaliland oo khadka Telefoonka ugu waramayey wargeyska Saxafi.
“saddexdii cishe u dambeeyey way ku xaniban yihiin, waxaana meesha ku foolatay hooyo uur lahayd, markii ay Jabuuti diiday inay galeen waxaanu u furnay dhinaca Somaliland, laakiin ma garanayno sababta muwaadiniintan reer Jabuuti u diideen inay dalka soo galaan, waxayna dhamaantood wadda sitaan kaadhadhkii Jabuutiyaanka”ayuu hadalkiisa raaciyey.
Si kastaba ha ahaatee, dadkan ayaa la sheegay inay ku cadiban yihiin xadka labada dhinac, kuwaas oo iska soo daba dhacayey maalmihii u dambeeyey, haseyeeshee wararku waxay intaas ku darayaan in dadkan qaar garasho lagu siidaynayo qaarna lama degaanka tuban yihiin, iyadoo intaas lagu daray in dadka la kala soocayo oo dadkii isku midka ahaa qaarna muwaadiniin laga dhigayo qaar kalan Ajaanib.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI