“Siimoodi kuma taallo Somalia ee waa Somaliland” odaydhaqameed
Boorama, Somaliland – Masuulyiin ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo ayaa ka hadlay heshiiska macdan qodista ee Xukuumaddu la gashay shirkad Shiine ah, iyadoo dhinaca kalena oday-dhaqameedyo ka soo jeeda degaanka Baki dawladda Somalia uga digeen inay farageliso hawlaha macdan qodista ah ee Somaliland ee heshiiska lagula galay shirkaddaasi.
Sida uu ku soo waramayo Weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, shirar jaraa’id oo ay arintaasi meelo kala duwan kaga hadleen labada dhinac ayaa waxa u dambeeyey mid ay Boorama ku qabteen wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil, Xildhibaan Abiib Cabdi Good iyo Agaasimaha Guud ee wasaaraddaasi Siciid Axmed Jibriil.
Ugu horreyn wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud oo shirkan Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inaanay jirin wax carqalad ah oo maanta hortaagan Macdan Qodista Buurta Siimoodi wax ammaan darro ahina aanay ka jirin, isagoo wasiirku yidhi: “Waxaan halkan ka caddaynayaa inaanay jirin wax dhibaato ah oo ammaandarro ah oo ka taagan Buurta Siimoodi ee deegaanka Baki. Waxa kale oo aan caddaynayaa in dadka degaaankaasi go’aansadeen inay Xukuumadda kala shaqeeyaan ka faa’iideysiga kheyraadka buurtaasi. Dawladda Somalia ee iyaduba iska liidayana waxan u sheegeyaa inay iskaga hadho arrimaha heshiiska dhexmaray Somaliland iyo shirkadda Shiinaha ah.”
Xildhabaan Abiib Cabdi Good kana tirsan Golaha Wakiilada ayaa isna yidhi: “Waxaan ahay xildhibaan laga soo doortay degaankaasi, mana jiraan wax dhibaato ah oo dhextaalla shirkadda iyo dadka degaanka, waxana loo baahan yahay in hore looga socdo halka aan joogno lagana faa’iideysto khayraadka dalka iyo gobolkaba.”
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Macdanta Siciid Axmed Jibriil oo isna ka hadlay jidka loo soo maray heshiiska buurtaasi ayaa yidhi: “Saddex sannadood ayaan daba joognay shirkado, shakhsiyaad iyo ganacsataba si loo maalgeliyo macdantaasi, markaan hellay shirkaddanina waxa laga sheegeyaa wax aan jirin, shirkaddu waa caalami, la wada yaqanno waxaananu la gallay heshiis dan u ah dalka, dadka degaanka iyo dawladdaba.”
Dhinaca kale hogaamiye-dhaqameedyo ka soo jeeda degaanka Baki ee ay buurtaasi ku taallo ayaa Xukuumadda Somalia uga digay inay ka hadasho heshiisyada iyo macdanta Buurtaasi iyagoo dhinaca kalena beeniyey warar la isla dhexmarayey beryahan oo lagu sheegay inay dad iyo xoolaba ku dhinteen sun la sheegay inay wadato macdanta Buurtaasi laga qodayo.
Shir jaraa’id oo ay Boorama ku qabteen shalay gelinkii hore ayaa ugu horreyn waxa ka hadlay Suldaan Ibraahim Cabdi Riiraash oo yidhi: “Waxaan ahay Suldaanka beelaha degaanka Baki, gaar ahaanna degaanka Siimoodi, hadallo badan baa laga sheegeyaa halkaasi oo aanan ujeedddooyinkooda garanaynin, waa degaan Somaliland ah dadkuna waa Somaliland, waxana iska leh beesha aan Suldaanka u ahay ninba Ilaahay meelbuu dhigaye, wax belaayo ahina kama jiraan.”
Xasan Cabdi Camir ayaa isna yidhi “Waxaan jawaab ka bixinayaa sun la yidhi xoolaa ku dhintay oo macdantaa sumaysan, arrintaasi waa been, meesha xoolouhu ku dhinteen waa dooxa DarraCase oo 70 km u jira buurta, biyo sumaysan iyo wed ilaahaybay xoolahaasi u dhinteen mana aha wax la xidhiidha buurtaasi ama sun, cidii waxaa tidhina waa cid ceeb u soo jiidaysa gobolka iyo khayraadkiisaba.”
Caaqil Daahir Cismaan ayaa isna yidhi “Siimoodi 25 sano Shiinahan horteed ayaanu macdan ka qodanaynay, sun iyo wax nagaga dhintayna maanaan arag, emerald iyo sapphire baan ka qodanaynay, mana jirin dawlad maanta ka hor heshiis ama liisan ku bixisay baadhisteeda iyo surveygeeda, dad tuugo ah ayaa waagii Siyaad Barre wax yar ka guran jiray, hadiise maanta si caddaan ah loo baadhayo ama loo soo saarayo waan soo dhaweeyneynaa, waxana la leeyahay 40% dadka degaanka iyo dalka ayaa leh 60% shirkadda Shiinaha ah ayaa iska leh, waxanse leeyahay horumar dhinacyo badan leh waa in laga helaa dawladda iyo shirkadda, maadaama aanu heshiiska annaga iyo dawladdu la gallay, heshiiska Somaliland iyo annagaba danbaa noogu jirta.”
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI