Guddoomiye ku xigeenka Wakiillada Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Buuhoodle

0
328

Hargeysa, Somaliland – Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay soo gaadhay magaaladda Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Gudoomiyaha waxa ku wehelinayey wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxaana hore uga sii horeeyey wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglo Toosiye.

Wetiga Buuhoodle gaadhay ayaa ka qayb galaya caleemo saarka Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Duraan oo maalinta lagu caleemo saari doono magaaladda Buuhoodle, waxaana si weyn waftiga ugu soo dhaweeyey magaaladda Buuhoodle dadweynaha deegaanka.

Wasiir xigeenka Warfaafinta ayaa saxaafadda u sheegay in si heer sare ah u qaabishay Weftiga uu ka midka yahay islamarkaana uu si aada ugu mahadcelinayo.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr: Saleebaan Ciise Axmed ayaa dadweynaha Gobolka ugu baaqay inaanay siyaasadayn xafladda dhaqan ee Garaadka lagu Caleemo saarayo, isagoo ugu baaqay xafladda ka bacdi inay deegaanadooda ku noqdaan siyaasiyiinta maamul Goboleedyada kale ee kala qayb galayaa.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiim Xaji Cumar Camey  iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland ayaa iyaguna soo gaadhay magaaladda Buuhoodle.

Ciidammo kuwa deegaanka ah oo isugu jira Puntland iyo kuwa Khaatumo ayaa aad u adkeeyay amniga degmada Buuhoodle oo dhawaan ay ka dhici doonto munaasabadda caleema saarka Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe.

“Halkan waxaan u imid ka qayb-galka caleema saarka Garaadka iyo in waxgaradka gobolka aan kala hadlo arimo muhiim ah “ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Camey oo warbaahinta la hadlay markii uu gaaray Buuhoodle.

Sidoo kale waxaa maalmihii la soo dhaafay Buuhoodle ku sii qul-qulayay qaar kamid ah waxgaradka ugu caansan deeganada Soomaalidu dagto si ay uga qayb-galaan munaasbadan caleema saarka ah.

Garaad Cabdirisaaq ayaa bedelaya aabihii Garaad Cabdulaahi Gaarad Soofe oo sanadkii hore ku geeriyooday magaalada Buuhoodle ,waxaana bilihii la soo dhaafay deeganaddaas ka socday qaban-qaabada munaasbadan.

Ugu danbayn, booqashada madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa noqonaysa tii ugu horeysay oo uu ku tago degmada Buuhoodle tan iyo markii loo doortay in uu madaxweyne ku xigeen ka noqdo maamulka Puntland.

HALKAN KA DAWO: 

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI