Hargeysa, Somaliland – Garsooraha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Xuseen Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in warbaahinta uu ka maqlay in xilka laga qaaday balse aanay illaa hadda aanu hayn waraaq xilka lagaga qaaday.
Garsooruhu wuxu sheegay in mar haddii aanay waraaqdaasi soo gaadhin ay la macno tahay uun in aan xilkii laga qaaday, inkasto uu xusay in warbaahinta uu ka maqlay xeer ilaaliyaha oo sheegay in xilkii laga qaaday, isagoo xusay in hadalkiisa xilka lagaga qaadi Karin.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in xeer ilaayaha guud aanu xilka ka qaadi Karin, haseyeeshee wuxuu xusay in xeer ilaaliyuhu u gudbiyey qoraal guddida cadaaladda uu garsooraha ku eedeynayo taas oo ay guddidii cadaaladdu xeer ilaaliyaha taageertay.
“Waxa dacwaddii wargeyska Hubaal aan ku fasaxay igaga timid maxkamada raacfaanka ee gobolka Hargeysa, iyaddoo gudoomiyaha gobolka Hargeysa Cabdilaahi Ismaaciil Deg dego go’aan ka gaadhay kiiskan oo aan ka duwanayn go’ankaas aan anigu gaadhay. Markii dacwadii maxkamadda ay soo gaadhay waxa aan ku mudeeyey dacwadan wargeyska Hubaal lix fadhi oo aanay ka soo xaadirin dhibanayaasha kiiskan. Markii aan go’anka aan gaadhay maalinti isniintii subaxii hore faylkii kiiska waxa qaatay gudoomiyaha maxkamada racfaanka Cabdirashid Duraan. Talaabada uu qaaday xeer ilaaliyahu ka dib go’aankii xayiraada aan ka qaaday wargeyska Hubaal, ayuu ka xanaaqay oo racfaan ka qaatay isagoo xaq u leh inuu qaata racfaankaasi. Laakinse arrinta shaqo ka joojinta uu aniga iga joojineyo xaq isagu uma laha inuu iga joojiyo. Marka horena wada shaqeyn hagaagsan kamay dhaxayn garsooreyaasha iyo xeer ilaaliyaha, cabaahada xeer ilaaliyaha ayay gudida cadaaladuna tiisa ayay dhegaysteen waraaq shaqo joojin ah ayay qoreen. laakinse aniga waraaqdasai iimay soo gadhin,”ayuu yidhi Garsoore Xuseen Maxamed Jaamac.
Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Axmed Aadan ayaa maalinti Salaasada ahayd buriyay go’aankii ay maxkamada, isagu ku sifeeyeeyhab tugnimo ah go’anka garsooraha maxkamada gobolka uu maray dacwada wargeyska hubaal.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI