Laba Dil Oo Habeen Hore Ka Dhacay Hargeysa Iyo Jaha-wareer Ka Dhashay Amar Warancade Soo Saaray
Hargeysa, Somaliland – Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ammaankeedu sii xumaanayaa wakhtiyada habeenkii, iyadoo ay soo kordhayaan falalka budhcadnimada ah iyo dilalka loo adeegsanayo Tooreyda oo dadweynaha loogu geysanayo xaafadaha kala duwan ee caasimadda.
Habeen hore oo ugu dambaysay waxaa la sheegayaa in ay magaalada Hargeysa iyo hareeraheeda ka dhacay ugu yaraan laba dil oo qudha lagaga jaray laba qof. Marxuum magaciisa lagu sheegay Idiris Daa’uud Jaamac, ayaa habeen hore abaaro toban fiidnimo lagu dilay xaafadda Dumbuluq, kaas oo uu gacan-ku-dhiiglihii dilka geystay u adeegsaday Toorey.
Sidoo kale waxaa dorraad galabkii duleedka galbeed ee magaalada Hargeysa laga helay meydka haweenay, taas oo sida la sheegay toorey ama middi si fool xun jidhkeeda loola dhacay, waxaana meydka gabadhaas la keenay Cusbitaalka Guud Hargeysa, iyadoo bileysku sida la sheegay baadhisteeda gacanta ku hayo.
Isla habeen hore, waxaa jira dad dhaawacyo ka soo gaadheen falal budhcadnimo oo lagu kacay, waxaana ka mid ah wiil dhallinyaro ah oo magaciisa la yidhaahdo Yuusuf Cabdi Yuusuf, kaas oo habeen hore abaaro 8:30 caweysnimo ay koox budhcad ahi ka heshay dhinaca bari ee Deyrka Dugsiga Sheekh Cali Ibraahim (Biyo dhacayga Sare), kuwaas oo markii ay baadheen ee ay wax hanti ah ka waayeen toorey la beegsaday, isla markaana meel wadnaha wax yar u jirta kaga dhuftay, waxaanay taasi keentay in dhaawaciiisii loola cararo Cusbitaal, iyadoo qalliin degdeg ah lagu sameeyay, xaaladiisuna weli adag tahay.
Intaas kuma eka falal amaan-darrada ah ee magaalada Hargeysa habeen-hore oo keliya ka dhacay, ee waxaa iyagana la sheegayaa inay dhawr meelood oo kala duwan ay kooxo shifto ahi rag iyo haweenba ku baadheen, isla markaana Telefoonada gacanta iyo hanti kaleba kaga qaateen, hase yeeshee ay dadkaasi u suurto-gashay inay nafahooda kala carareen halkaas.
Labadii bilood ee u dambeeyayba, waxaa soo xoogaysaynayey falalka noocan ah, iyadoo masuuliyiin waaweyn oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, Muuse Biixi toddobaadkan gudihiisa qaylo-dhaan ka muujiyay falalka noocan ah eek u soo kordhaya magaalada Hargeysa. Sidoo kale Xildhibaano ka tirsan goleyaasha Baarlamaanka iyo siyaasiyiin kale ayaa iyaguna sidan oo kale uga hadlay dhibaatadan halista ku ah ammaanka dadweynaha caasimadda Hargeysa, oo cabsi weyni ka soo food-saartay falalka noocan ah.
Hase yeeshee Wasaaradda Daakhiliga iyo hay’adda ammaanka u qaabilsan ayaan ilaa hadda wax tallaabo ah oo wax ka qaban karta halistan qaadin, oo aan ka ahayn hawl-galo bileys ah oo kooxo kooxo ah la soo dhigo laamiyadda waaweyn iyo kuwo meel ka mid ah xaafadaha wakhtiyad fiidkii wareega, kuwaas oo ilaa iyo hadda aan waxba ka bedelin xaaladda, balse ay sii kordhayso uun halistii ammaan ee caasimaddu.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Maxamed Warrancade, ayaa isagu ammaandarada sii xumaanaysa ee caasimadda kaga mashquulay hawlo kale oo aanay wasaaradiisu u xilsaarnayn, ay ku filan yihiin dawladda hoose iyo golaha deegaanka ee Hargeysa, waxaana hawsha uu wasiirku kaga mashquulay ammaankii uu u xilsaarnaa lafteeda ka dhashay jahawareer, kadib markii shalay ay dadweynaha magaalada Hargeysa ku waabariisteen ciidamo hubaysan iyo ciidamada nabadgelyada wadooyinka oo badan oo tuban waddooyinka caasimadda Hargeysa, kuwaas oo fulinayay amar ka soo baxay wasiirka Daakhiliga oo uu ku maroorsanayo shaqadii dawladda hoose ee Hargeysa, oo wax ka bedel la doonayay in lagu sameeyo hab-marista waddooyinka hal-bawlaha u ah caasimadda.
Ciidamadan oo tiradooda badnayd awgeed ay dadweynuhu ka argagaxeen ka dib markii ay gaadiidka ku khasbeen inay ka baydhaan waddooyinkii ay hore u isticmaali jireen, taasi oo keentay jaho wareer iyo in gaadiidku isku murgo isla markaana dhasho shilal gaadiid oo keenay khasaare nafeed iyo mid hantiyeedba.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, ayaa hore u soo saaray amar ah in wax ka
beddel lagu sameeyo marista waddooyinka Caasimadda, gaar ahaan labada jid ee hal-bowlaha ah ee mara badhtamaha caasimadda, hase yeeshee amarkan ayaanu wasiirku wacyi-gelin iyo qorsheyn midnaba ku samayn, iyadoo xataa aan waddooyin lagu dhejin calaamadihii looga baahnaa, waxaanay ciidamada bileyska iyo taraafikadu shalay bilaabeen uun inay gaadiidka amar ku siiyaan masalan jidka madaxtooyada hormara inaanay gaadiidka ka imanaya dhinaca galbeed soo marin kari, keliya ay marayaan gaadiidka u socda dhinaca galbeen ama ka imanaya dhinaca bari, halka jidka Cusbitaalka daba marana gaadiidka u socda dhinaca bari ay labada haadba isticmaalaan, oo aanay kuwa galbeed u jeedaa mari Karin, taasina waxay keentay muran farabadan oo ciidamada iyo dadweynaha gaadiidka wata dhexmara.
Jaho-wareerka ka dhashay wax ka beddelka uu Wasiir Cali Warrancadde ku doonayo inuu ku sameeyo waddooyinka Caasimadda, ayaa loo nisbaynayaa awood maroorsi uu ku sameeyay shaqadii dawladda Hoose ee Hargeysa, maadaama oo xilligan dawladda hoose ee caasimaddu ay ku mashquulsan tahay hirgelinta waddooyin cusub, baneynta meelo aan hore loo mari jirin iyo weliba hagaajinta bilicda Magaalada, taas oo ay saddexdii maalmood ee u dambeeyay jidka weyn shacabka mara ay kaga sifeeyeen dhammaan koleyadii Qaadka oo kow ka ahaa sixmadda gaadiidka ee jidkaas halbowlaha ah.
Si kasta ha ahaatee, tallaabadan wasiirku ku maroorsanayo shaqadii dawladaha hoose ayaa la tuhunsan yahay inay tahay qorshe cusub oo uu ku damacsan yahay wasiirku inuu kula wareego kabka dawladaha hoose ay ka helaan dawladda dhexe, taas oo uu horena wasiir Warrancadde kabkii dawladaha hoose ee sannadkii hore inteedii badnayd isagoo aan waxba kala socodsiin ugula wareegay, isla markaana sheegay inuu ku qabanayo diiwaangelinta Madaniga ah ee muranka badani ka dhashay, taas oo aan ilaa hadda dalka si buuxda u wada gaadhin, lana ogeyn inta ay ku dhamaanayso.
Dhinaca waxaa shalay duhurkii shil gaadhi ku geeriyooday Marxuum magaciisa la yidhaahdo Haaruun Muuse, da’diisana lagu qiyaasay ilaa 35-jir, kadib markii gaadhi noociisu yahay Noaha oo xawaare sare ku socday uu ugu tegay meel aqal hortii ah oo uu fadhiyay Marxuumku.
Marxuumka dhintay oo wakhtigaas sugayay dameer uu ku dhaamiyo oo saf ugu jiray meel qasabad ah, ayaa gaadhigan oo sida dadkii goob-jooga ahaa ay sheegeen uu wadde ka ahaa wiil aad u da’yar, isla markaana gaadhiga ku siday laba gabdhood oo sida la sheegay uu ka soo qaaday Jaamacad, ayaa waxa uu jidka uu socday ka baxay markii uu is-yidhi isagoo xawaare badan ku socda gaadhi bas ah oo ka horeeyay, taasina ay keentay inuu kaantarooli kari waayo, kadib uu kala baydhay laamidii uu socday oo ku taal xaafadda Jig-jigga yar, kadib marxuumka dhintay iyo laba asxaabtiisa ah oo guriga qasabadda biyaha ay ka dhaaminayeen ka soo horjeeda fadhiyay uu ku beegmay, balse labadii nin ee kale ay dar illaahay uga carareen laakiin marxuumka dhintay uu gaadhigu ku soo gaadhay, isla markaana gidaarka ku dhuftay, kaas oo sida la sheegay ay isla goobta naftu kaga baxday. Ciidamada Bileyska ayaa goobta yimid, wadihiina xabsiga u taxaabay, halka la sheegay in labadii gabdhood ee la socday ay iyagana soo gaadheen dhaawacyo.
Gaadhiga ayaa markii aanu goobta ugu tegnay ahaa mid burburay oo weli gidaarkii guriga ku dhexjiray.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI