Wasiirka Arrimaha Guddaha Oo Ka Hadlay Dad Lagu Xidhay Degaanka Qul-jeed Ee Gobolka Awdal

0
334

Hargeysa, Somaliland – Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay in aanay jirin Dad madaxdhaqameed oo ay ciidamada amaanku ay isniintii ina dhaftay ku xidheen deegaanka Qul-jeed ee Gobolka Awdal.

Wasiir Waran-cadde oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa, waxa kale oo uu sheegay in Dawlada hoose iyo ciidamadda nabad-gelyada wadooyinku ay hir-gelinayaan nidaam cusub oo loo samaynayo wadooyinka casimaada Hargeysa, taas oo uu sheegay in lagu xakamayno saaxmada Gadiidka.

“Arrinta Odayaashana waxba kama jiraan ee yaan dheg loo dhigin, horta maan maqlin, Gobolka Awdal hore ayaanu u tagnay waanad ogtihiin hadda Gobolku Nabad-buu ku sugan-yahay , aniga oo aad ugu mahad-celinaya Madaxdhaqameedka iyo Shacabkaba wax dhibaato ah oo ka dhacay ma jiraan, arrintaasna Somaliland siday weligeedba u xalin jirtay arrimaheedda ee wanaaga ahayd-bay u xalinaysaa.” Ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde.

Wasiirku waxa uu sheegay in la hir-gelin doono nidaam cusub oo loo samaynayo Wadooyinka Caasimada Hargeysa, waxaanu yidhi “Waxaanu u xil-saarnay Dawladda hoose iyo Ciidamada Nabad-gelyadda Wadooyinka, markaa ilaa beri ayaa la kala wareejinayaa, waxaanay hadda dhamaystirayaan meelaha ay waddooyinku iska soo galaan iyo meelaha kale. Waxaanan filayaa inay fudaydin-doonto saxmada badan ee ka jirta Wadooyinka Magaaladda Hargeysa marka ay dhinac u wada socdaan Baabuurtu ee ay labada Wado ay kala maraan iyo Wadooyin kale oo hadda loo qorsheeyay inay kala maraan, markaa waxaan filayaa inay wax weyn ka qaban-doonto isku socdka Magaaladda iyo Gadiidka.”