“Runtii dhacdadaasi waxay ahayd dhacdo aad u xanuun kulul, waxan ku xasuustaa anigu isla habeenka ay dhacaysay taliyaha sirdoonka qaranka, taliyaha sirdoonka madaxtooyada iyo taliyaha qaybta bileyska galbeedka dhamaantood waanu wada joognay.” Cabdilaahi Abokor
Hargeysa, Somaliland – Wasir ku xigeenki hore ee amniga Somaliland Cabdilahi Cisman Abokor ayaa sheegay in sida wax u dhaceen iyo xaaladiisa nololeed ee uu xabsiga ku mutaystayba uu buug ka qori doono, isla markaana dadweynaha usoo bandhigi doonno.
Abokor ayaa sheegay in habeenkii ciidanku usoo daadan doonaan ay wada joogeen fiidkii taliyaha sirdoonka Qaranka iyo taliyeyaasha amniga, balse aanay waxba u sheegin oo uu ku toosay uun dhawaaaqa rasaasta iyo ciidanka dul joogga.
Cabdilahi Abokor waxa kalo uu sheegay in anuu wakhti xaadirkan aanu ka waramayn sababta ka dambeysay weerarkii lagu weeraray gurigiisa habeen badh, balse wakhti kale uu ka hadli doonno.
Sidaasna waxa uu ka sheegay casuumad uu xisbiga mucaaradka ah ee UCID u sameeyey Cabdilaahi Abokor waxaana hadalkiisa ku bilaabay“Salaanta ka bacdii sida aan hore uu sheegay, kolay ma jecli in maanta dhacdadaa wakhti dhow aan ka hadlo. Waxaana aan jecelahay wakhtigi aan xidhna waxan qoreyey buug taariikhdaas iyo dhacdaadas sida ay ahayd ku sabsan, insha alla isagoo faahfaahsan aan umadda Somaliland usoo bandhigo Runti dhacdadaasi waxay ahayd dhacdo aad u xanuun kulul, waxan ku xasuusta anigu isla habeenka ay dhacaysay taliyaha sirdoonka qaranka iyo taliyaha sirdoonka madaxtooyada iyo taliyaha qaybta bileyska galbeedka dhamaantood waanu wada joognay. Haddiii la leeyahay waa lagu soo weeraraya dee wuxuun bay noqon lahayd oo saraakiishi amniga qaranka waanu wada joognay, waxay iska ahayd uun dhacdo qoorshaheedu aynu waxbadan Aydaan imika ka fahmikarin bulshada Somaliland, laakinse insha alla iyadoo faahfaahsan waad heli doontaan.
Waxan jecelahay imika inaan halkan mahad naq munaasibadan uga celiyo xisbiga iyo madaxdiisa, soomaalidu waxay tidha Ma hal baan ku siiya mise hal baan ku yidhaahda hore waan joogi jirey hadana waxan xogogaal uu ahaa xisbiga keliya ee ugu hadal badnaa ee uu ahaa xisbiga UCID, taasa maantana iyadu ay jirto casuumaddo kale oo la igu casuumay ana ku doortay in aan maanta ugu soo horeysiyoo casuumada xisbiga UCID inaan uga mahadnaqo waanad ku mahadsan tihiin.”
Si kastaba ha ahaatee, Cabdilaahi Abokor ayaa si arxandaran loola dhaqmay wakhtigii la qabanayey, taas oo loo adeegsaday rasaas xoogan iyo sun taas oo halis galisay caruurtii iyo qoyskiisi.