Boorama, Somaliland – Golaha dhaqanka ee beelaha Samaroon ayaa mar kale muddeeyay wakhtiga shir-beeleedkii loo ballansanaa inuu qabsoomi doono.
Shir Jaraa’id oo ay shalay Boorama ku qabteen badi oday dhaqameedyada u xilsaaran qaban-qaabada shirkaasi ayaa ugu horreyn waxa ka hadlay Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, “Waxaan marka hore salaamayaa oday dhaqameedyada jooga iyo kuwa maqanba, waxaanan halkan isugu nimi inaan shaacinno muddo loo qabtay qabsoomidda shirweynaha beelaha Gedebuursi oo aan muddo laba sano ah ka soo shaqaynanay qabanqaabadiisii , waxaan ergooyinkii degaanka Gob ku soo dhamaan doonaan bishan 20-keeda , 21keedana shirkaa furmi doona” Sidaas ayuu yidhi.
Suldaan Xasan Xaddi Baade oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan mar kale halkan isugu nimi inaan ka hadallo oo aan sheegno in shirkii Geb la qaban doono bisha 20-keeda, waxana la doonayaa in looga soo qayb-galo siddii loo qorsheeyay guddo iyo debedba ergooyinku yimaaddaan” Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi.”Waxa halkan fadhiya hoggaankii dhaqanka beelaha Gedebuursi, guddigii qaban-qaabada shirweynaha, xoghayntii iyo intii u xilsaarraydba, waxaanan sheegayaa in shirkii aanu ka dambayn doonin bishan 20-keeda sidaana ha loola socdo.”
Suldaan Nuur Dheere oo isna shirkan jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan soo dhaweynaynaa cid kastoo ka qayb galaysa shirbeeleedka Gedebuursiga gudo iyo debadba, ciddii wax kale loo sheegayna iyadaa og ee sidaa ha loola socdo”
Baaqa shirbeeleedkan ayaa ka dambeeyay hadal Axadii ka soo yeedhay qaar ka mid ah salaadiinta beelaha Gobolka Awdal oo ku baaqay in shirkaasi dib loo dhigo ama aanu suurtagal ahayn inta ay jiraan xiisadaha siyaasadda iyo arrinka Suldaan Wabar, waxaanad mooddaa in khilaafkii ku saabsan qabsoomidda shirbeeleedkaasi haatan u muuqdo mid soo xidhmaya ,isla markaana qabsoomiddiisu u muuqato mid lagaga guuleysto cid kastoo ka soo horjeedday kana mid ah hogaamiye dhaqmaeedyada beelaha Gedebuursi marka lagu daro Suldaan Wabarka reer Awdal ee ku baaqaay dagaalka.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI