Golaha Guurtiddu Muxuu Ka Yidhi Mudo Kordhinta La Sheegay Inay Kaga Timi Madaxtooyadda Iyo Komishanka?

0
314

Hargeysa, Somaliland – Gudoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida Somaliland Mudane Siciid Jaamac Cali, ayaa sheegay inaanay jirin Warqad Muddo kordhin Xukuumadda loo sameeyo ku salaysan oo soo gaadhay.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegay muddo kordhinta, isla markaana aanay jirin wax iyaga soo gaadhay, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Runtii Saaka (shalay) Waan ku arkayay Jaraa’id badan warkaas ah, in Komishanku uu war galiyay Xukumadda, Xukumadduna ay Guurtida u soo gudbisay, laakiin waxaan idiin caddaynayaa ilaa iyo hadda wax warqad ah oo arrintaas ku saabsan oo na soo gaadhay inaanay jirin”.

Mudane Siciid Jaamac Cali oo la waydiiyay Mawqifka Gole guurti ahaan uga yaala Muddo kordhin loo soo bandhigo waxa uu ku jawaabay “Annaga markay Warqaddu noo timaado, Goluhu dee wuu qiimeeyaa Talooyinka ay Komishanku soo raaciyaan, Xaaladda markaas taagan, Qiimayntaas baanu Goluhu ku saleeyaan Kordhinta Muddada”

Mudane Siciid Jaamac Cali Waxa uu ka gaabsaday inay hadda u muuqdaan Asbaabaha dastuuriga ah ee keeni kara in Xukumadda wakhtiga loo kordhiyo “Wallaahi kama hor dhici karo” ayuu ku gaabsaday mar la waydiiyay inay jiraan duruufo keeni kara Muddo kordhini inay dalka ka jiraan.

Komishanka doorashada ayaa muddo kooban xilka hayay, waxaana laga sugayaa doorashada ku mudaysan 26-ka June ee sanadkan 2015-ka, taas oo wakhti ku siman ilaa 6 bilood ka hadhan yahay hadda.

Hadalkan ka soo yeedhay gudoomiye ku xigeenka Guurtidda ahna ku simaha gudoomiyaha Guurtidda Siciid Jaamac Cali ayaa ka dambeeyey ka dib markii warbaahinta qaarkood qoreen warar sheegaya in Komishanka Doorashooyinku xukuumadda usoo gudbiyeen in aan wakhtigii loogu tallogalay doorasho ku dhici Karin, taas oo xukuumadanu golaha Guurtidda usoo gudbiyeen.