London, Uk – xafiiska Arrimaha Dibadda iyo dalalka Barwaaqo sooranka ee dalka Ingiriiska ayaa uga digay mawaadiniintoodda inay safar ku tagaan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya oo ay uga baqayaan in lagula kaco falal argagixiso marka laga reebo Berbera iyo Hargeysa.
War-saxaafadeed ay soo saareen ayey ku sheegeen in aan loo socdaali Karin dalalkaasi arrimo amni awgeed, waxaana qoraal ay soo saareen u qornaa sidan“Xafiiska arrimaha dibada iyo dalalka barwaaqo-sooraanka ah ee dalka Ingiriiska ayaa u digey muwaadiniintooda uu dhashay, ee ku sugan ama uu safri doona dalka Soomaaliya iyo Somaliland oo aanay ku jirin magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa inay weeraro argagixisnima ah lala beegsado”
Qoraalkan ayaa lagu sugay in Hargeysa iyo Berbera aanay ku jirin goobaha digniinta laga bixiyey, haseyeeshee magaalooyinka kale ee Somaliland waxay la mid uga dhigeen kuwo Soomaaliya oo kale.
Waxa kale oo qoraalkaasi ku sheegeen in dowlada Ingirisku heshay xog sugan oo muujinaysa inay jiraan weraro halis ah oo argagixisnimo sida afduub gudaha dalka Soomaaliya iyo Somaliland.Kooxaha argagixsada ah oo hore hanjabaad iyo digniin isugu jira uu direen muwaadiniinta u dhashay dalalka reer galbeedka ah iyo kuwa la shaqeeya ururada samafaaka. Waxa uu xafiiska wasaarada arrimaha dibada iyo barwaaqo sooraanka aminsan yihiin in mar walba ay jiraan weeraro halis ka jiraan gudaha magalaada Muqdisho, waxa kale oo dowlada Ingirisku xustay inay aminsan tahay in kooxaha Argagixisaada ah mar walba isku dayayaan inay weeraro ka fuliyaan gudaha Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee, dawladaha Reer Galbeedka ayaa marka muddo joogo digniino u dira muwaadiniintoodda jooga ama tagaya Somaliland iyo Soomaaliya, iyagoo inta badan isku mid ka dhiga Somaliland iyo Soomaaliya inay isku xaalad ku jiraan, inkastoo Somaliland lafteedda ay kala qaybiyeen oo Hargeysa iyo Berbera uun ka saareen xaaladda digniinta ah.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI