Hargeysa, Somaliland – Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa sheegay in wadda-hadaladda u socda Somaliland iyo Somaliya aanay ku fadhiyin wax macano ah, isla-markaana aanay ka soo bixin go’aamo la taabam-karo.
Boobe Yuusuf Ducaale oo shalay Warbaahinta kula hadlay waxa kale oo uu ka hadlay aragtida ay Xisbi ahaan ka qabaan War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Wasiiradda Arrimaha dibada Urur Gobolkeedka IGAD ay ku yeesheen Muqdisho, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Shirarkaas wada-hadalada lagu sheegaayo inta badan Tamashle iyo Dalxiis ayaa loo tagaa, lamana adeegsado aqoon -yahano iyo xeel-dheerayaal ka midho-dhalin kara oo waayo aragnimo Iyo Aqoonba U Leh Ilaa Maantadaas Aynu Joogno Xukuumadeeno Wadahadaladaas Uma Laha Tusmooyin Siyaasadeed Oo Lagu Hagaayo Wax Warbixino Ah Ama Heshiisyo Ah Oo Ka Soo Baxayna Ma Jiraan Xaalku Ma Dhaafsisana Waa La Tagey Waa Laga Soo Noqday Iyo Meel Hablaayo ayaa Lagu Balamay Shacbiga Somaliland Waxa Aan U Soo Jeedinayaa In Ay U Soo Jeedeen oo ay u Feejignaadan Qadiyada Iyo Madaxbaaninada Somaliland Oo Ah Mid Dhiig Loo Soo Huray “
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI waxa kale oo uu ka hadlay War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Urur Gobolkeedka IGAD ay ku yeesheen Muqdisho, waxaanu yidhi “Waxaana Uu Sheegay In Go’aamadi Ka Soo Baxay Shirkaasi Oo Qaar Ka Mid Qeexayeen In Ay Urur Gobaleedka IGAD Ay Qirayaan Madax Banaanida Iyo Sugnaanta Dhul Ahend Ee Dawlada Somaliya Ay Yahiin Qaar Aan Wax Ka Soo Qaad Laheyn Isla Markaana Hadalada Noocan Oo Kale Ahi Yahiin Shaanbad Iska Sameysan Oo Shirarka Noocan Ahi Marka Ay Dhamaadan Go,aamada Ka Soo Baxa La Raaciyo Waxaana Uu Yidhi “ Shacbiga Rer Somaliland Waxaanu War-Saxaafadeedkan Aanu Ku Ogeysiineynaa In Aan Weedhani Wax Cusub Oo Laga Naxo Aaney Aheyn Waa Shaanbad Iska Sameysan Oo Shirarka Noocan Ahi Marka Ay Dhamaadan Go,aamada Ka Soo Baxa La Raaciyo , Weedhani Wax Kale Kama Turjumeyso Oo Aan Aheyn Xaqiiqadii Baryaha Qaar Ka Jirtay Jamhuuryadii Somaaliyeed Ee Mideysneed Maanta Caad Inagama Saarna In Beesha Caalamku Ay Aqoonsi Qaanuuniya Ay Siisay Dawlada Faderaalka Ah Ee Somalia Xaqiiqadaas Waxaa Barbar Taala Oo Dhab Ah In Ay Somaliland Haysto Aqoonsi Nooca Loo Yaqaano Ka Runta U Dhow Iyo Tageerada Dhabta Ah Ee Beesha Caalamka Oo Ay Ku Kasbatay Guulihii Ay Xaqiijisay Dhawr Iyo Labataankii Sano Ee Ugu Danbeeyey “
Boobe waxa uu intaas ku drat “Somaliya Maanta Ma Ah Tii Baryaha Qaarkood Jiray Waxaa Abuurmay Waayo Cusub Oo La Yimid Xaalado Cusub Oo Aan Indhaha Laga Qarsan Karin Mar Xaladan Aynu Maanta Mareynaa Ma Ah Tii Dadka Looga Been Sheegi Lahaa Xukuumadan Maanta Jirta Ee Somaliland Waa In Ay Dadka Runta U Sheegta Oo Aanay Ka Qarin Xaqiiqadu Siday U Jirto Waa In Loo Waajahaa.”