Dal waxaan ku noolahay.
saddexdii dalaaqood
lagu furay dadnimadii
Dal waxaan ku noolahay,
runtu arag daraysoo
Daadihii la yidhi been.
Dus-duskiyo khiyaamadda
Dunida hadday ceeb ka tahay
noo dabeecad weeyaan.
Degmadaan ku noolahay
Nin daryeel yidhaahdaa
dulli buu ka qoran yahay.
Dayaxii usoo baxa daamuur baa la mariyaa.
Mooralkaana laga dilay
dalagyadii usoo kici lahaa
Markiii geella loo diray
ninkii maqasha daayacay” Abwaan Gaariye (AUN).
In badan waxaynu maqalnay siyaasiyiinta xilalka kala duwan haya oo bulshadda uga digayo qabyaaladda iyo xumaanteedda ama isticmaalkeedda, haseyeeshee akhrista ma is waydiisay ninkan sidaas u hadlaya inuu laftiisu isticmaallo.
Inta badan waxa la yidhaa qabyaaladda way sii xoogaysatay oo way sii korodhay halkii ay hoos ugu dhici lahayd, maadaama oo xisbiyada iyo dimuqraadiyada loo qaatay tahay sidii qabiilka meesha uga baxo qaranimadduna u shaqayso, haseyeeshee arrinkaas cakiskeedda ayey u shaqaysa oo iyadoo nidaamkaasi la doortayey ayey qabyaaladdii sii xoogaysanaysa.
Aduunyadda horumartay waxay nidaamka xisbiyadda badan u dooratay sidii ay uga bixi lahayd qabyaaladda wayna kaga dhabaysay, haseyeeshee inaga xisbiyadii waxay isku bedeleen kuwo abuuro qabyaaladda, waxaad maalin walba arkaysa xisbi xaflad u qabanaya taageerayaal oo ku sheegayo inay reer hebel yihiin, halka uu anshaxa iyo nidaamka xisbiyada loo ilaalin lahaa ayaa gudoomiyihii xisbigu amaanay reer hebelka xisbigiisa ku soo biiray taasi miyeyna ahayn mid reernimadii la dhiirigaliyey, isla markaana qabiilooyinkii lagu furfurayo, bal maxaa ka hor taagan ama u diidaya inuu intu reer hebel isticmalayo taageerayaashani waa degmo heblaayo, isla markaana dadka ku soo biirayo u sheego in aan xisbiga laga ogolayn in magac reer la soo hadal qaado balse idinku reerkiina ah sheegta degmadda ka soo jeedaan si nidaamka loo dhawro, tusaalle ahaan, haddii ay ku soo biirayaan degmadda Gacan libaax ama Koodbuur la yidhaa taageerayaashaasi waxay ka yimaadeen degmadda Koodbuur, halka laga odhanayo maanta waxa xisbiga ku soo biiray reer hebel, arrintaaski waa arrin nusqaan inagu ah laakin haddii madaxda xisbiyadu doonayaan inay arrintaasi si kale u dhigaan way awoodaan balse ma garan sababta iskaga indho tirayaan, waayo siyaasiga ayaa la doonaya inuu dadka haggo balse maaha inay dadku hagaan sidii ugu quruxda badana wuu garanaya oo intoodda badan waxay ka yimaadeen qurbo sida loola dhaqmana way fahansan yihiin, waana raggii la doonayey inay wax ka bedelaan.
Inkastoo siyaasigu mar walba dantiisa ka horeysiiyo danta guud, isla markaana uu eegayo sida uu wax ku helayo xiitaa haddii uu qaranku ku dumayo. Waayo way arkayaan in arrintani ficil fiican ahayn haseyeeshee waxay ku door bidayaan inay sidaas uga badinayso oo uu guul ku helayo, hadhowna ama isla xafladda reer hebel ugu biirayaan wuxu dadka ku beer lexowsanayaa in qabyaaladda la iska daayo hadda waa kii ku shaqaysanayey ee aaminsana inay sidani uga badinayso.
Xisbiyaddu inay iyagu abuuraan qabyaaladda waxa tusaalle u ah arrintan soo socoda,waxa cajiib ah oo in badan maskaxdayda ka guuxaysay hab dhaqamadda xisbiyada qaranka u shaqeeyaan ama wax ku xushaan, bal tusaale kaliya aan badka soo dhigo, saddexda xisbi waxay dhowaan soo xulayeen toddobada xubnood ee guddida doorashooyinka, xisbi waliba waxa uu magcaabay nin reerkoodda ah, taasi waxay ka dhigan tahay xisbiga reer baa leh, ninka gudoomiye ka ahin nin aan reerkoodda ahayn ma aaminayo, raga xisbiyada ku jiraana waa dad lagu adeegto uun ee waxa kaliya xisbiga iska leh ninka gudoomiye ka ah, hadda garro oo waxa uu cod ka rabaa dhamaan shacabka Somaliland oo dhan hadana qaabkii uu codka uga heli lahaa ilaahay wuu ka indho tirey.
Bal hadaba ninka sidaas ah ee xubintii laga rabay nin inaadeerkii ah u xulay ee hadana ku leh qabyaaladdu way xun tahee yaan la isticmaalin muxuu u jeedda !!!?.
Si kastaba arrimuhu ha ahaadeen xisbiyadda iyo siyaasiyiinta ha joojiyaan ku dhaqanka qabyaaladda iyo xuladda siyaasi waliba reerkoodda xulanayo, ha la hello siyaasi ka duwan noocaas, isla markaana aanay agtiisa iyo hareerihiisa ka buuxin reerkoodda, siyaasiga mustaqbalka leh waa ninka ficilkiisa iyo hadalkiiisu is leeyihiin, haddii aad wixii xumaa ee aad ku dhaqmaysay aad dadka ku tidhaa iska daayo ma fiicna cidna ku dhegaysan mayso, marka siyaasiyiinta waxaan leeyihiin afkiiina iyo ficilkiinu ha wada socdaan.