Boorama, Somaliland – Koox odayaal ah oo u watay nin sheegtay inuu yahay Suldaanka Geeska Afrika ayaa ciidamada amnigu ka qabteen magaalada Qulujeed, islamarkaana loo dhaadhiciyay saldhigga Booliska ee Magaalada Boorama.
Odayaashan ayaa xabsiga laga damiintay shalay galinkii danbe, waxaana wararka aanu ka helay magaaladda Boorama sheegayaan in odayaashan magaalada Qulujeed ay ku tegeen doraad laba Gaadhi oo noocoodu yahay Hammar, islamarkaana waqtiga la qabtay ay isku diyaarinayeen casho halkaa loogu samaynayay. Waxaana ay ka warheleen iyadoo la duldhigay koox ka tirsan ciidamada amniga iyo kuwa milatariga. Warku waxaa uu intaas raaciyay in ciidamadu ay u sheegeen odayaashan inay dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaaddeen hase yeeshee dood iyo muran dhex-maray ka dib, waxaa la sheegay in ciidanka amnigu qaatay go’aanka xabsiga loogu taxaabey, una soo dhaadhiciyeen saldhigga dhexe ee Booliska Boorama.
Kooxdan oo shalay dadweyne farabadani doonayeen inay saldhigga bileyska dhexdiisa ku booqdaan ayaan loo oggolaanin, balse loo gaynayey saad iyo biyo waxay u baahnaayeen.
Wararku waxaa ay sheegayaan in magaalada Qulujeed iyo soohdinta u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya ay ka jirto xaalad ammaan oo xasaasi ahi, feejignaan buuxadana ay ku jiraan ciidamada aaggaasi ku sugani. Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in laga soo xigtay kooxdani inay u socdeen inay arkaan suldaanka Wabarka reer Awdal ee duurka galay, balse lamay soconin in goobta ciidamadu kasoo qabteen iyo soohdinta dalka deriska ahi isku jireen wax ka yar 150 tallaabo dhaqdhaqaaq ay halkaasi ka sameeyaanina wax ka beddeli lahaa xaaladda amniga ee degaanka Qulujeed.
Ninka sheegtay suldaanka Geeska iyo lix ilaa todoba qof oo la socda ayaa la tilmaamay inay ka tageen magaaladda Hargeysa. Lamina oga wax xukuumadu ka yeelayso, qudhooduna toos ugama ay hadlin sababta buurta saartay.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI