Maxkamadda Racfaanka Oo Xayiraad Sharci Daro Ah Dib U Saartay Wargeyska Hubaal

0
284

Hargeysa, Somaliland – Maxkamada racfaanka gobolka Maroodi-jeex ayaa xayiraad sharci daro oo aan geedna loogu soo gaban dib u saartay wargeyska madaxa-bannaan ee Hubaal oo kasoo baxa magaaladda Hargeysa, kaas oo isla maalintii Shalay ay maxkamada Gobolku ka qaaday xayiiradii saarnayd wargeyska islamarkaana uu wargeysku bilaabay isla xalay hawshiisii shaqo. Waxana Maanta oo isniin ahaydna uu soo baxay daabicaadii u horeysay muddo laga joogo saddex iyo taban bilood oo uu wargeyska xayirnaa.

Amarkan dambe ee dib loogu saaray xayiraadii saarneyd wargeyska Hubaal ayaa sharci daro aan geed loogu soo gaban ah islamarkaana ah tacadi iyo xaqdaro ummadu si toos ah u arkayso oo garsoorka dalku kula kacay wargeyska Hubaal iyadoo uu wargeysku mudda intaa le’eg u xayirnaa dacwad la’aan iyo kiis aanay maxkamad u hayn.

Waxay ahayd 25-kii bishii sideedaad ee sanadkii ina dhaafay 2014 markii ay maxakamada gobolku ay xayiraadii saarneyd ka qaaday wargeyska Hubaal,waxaana saacado kadib haddana xayiiradii saarneyd dib ugu celisay maxkamada racfaanka.

Halkan ka daallaco sharci darada ay maxkamadu mar kale xayiirada ku saartay wargeyska Hubaal:

Scan0003