Waxqabad La’aanta iyo Fadhiidnimada Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa Keenay In Ciyaartoydii dalka Laf Dhabarta U Ahaa tagaan Xamar – W/Q: Deeq Cabdilaahi Cawaale

0
384

Waxa maalmihii ugu danbeeyay suuqa ku jirtay oo laysla dhexmarayay in captain kii gobolka m.jeex iyo waliba kooxda kubada cagta ee police.ka ee goodir mr. Mohamed Hasan Mohamed oo ku magacdheer (Gabyaaye) ka qayb galay tartanka kooxaha heerka kowaad oo dhawaan ka furmay Muqdisho.

Waxaan maanta si toos uga arkay social media Gabyaaye oo kala soo dhexbaxay kooxdii uu u ciyaarayay calankeena oo si qurxoon uga dhex muuqa garoonka Muqdisho stadium oo ay daawanayaaan dadweyne aad u tiro badan oo reer Muqdisho iyo madaxdodii oo aan dareensanahy inay si xooga uga soo horjeedaan qadiyada madaxbananida iyo dawladnimadeena hada 24 jirsanaysa adagtahyna in la dhex geeyo calan ama laga dhex sheego qadiyadeena taas oo aan shaqsiyan iyo inta ila rayiga ahiba u aragno mid geesinimo una baahan in lagu hambalyeeyo bilad geesinimana lagu siiyo.

qaIyado aan ognahy in kubada cagtu tahay mid ka madaxbanaan siyaasada hadana ku dhiiradashada uu Gabyaaye ku dhiiraday ayaa la odhan karaa waa talaabo muuqata oo xaga Muqdisho loo qaaday saamayna ku yeelatay dadka iyo dawlada xamar waana mid la odhan karo waxay ka muhiimsanayd talaabooyin diblomasdiyadeed oo xukuumadihii kala danbeyay iyo ta hada joogtaaba qaadeen maaliyada iyo waqtiba u hureen.

Dibloomaasiyad ahaana waa talaabo aad u mihiima dawlad iyo shacaba in calankeena in lagu dhex arko xamar iyadoo aan la dhibsanayn waxaanay waji gabax siyaasadeed oo muqdisho dhexdeeda kaga habsaday dawlada taagta daran ee xamar oo geed gaaban iyo mid dheer u fuulay sidi ay u mijo xaabin lahaayeen una dadi lahayeen guulaha iyo horumarka balaadhan ee ay ku talaabsaday jamhuuriyada s.land mudadii ay jirtay.waanan ku hambalyaynayaa m.gabyaaye arintaas mohamed oo shaqsi ahaan aan u leeyahy aqoon dheer oo ilaa yaraantii runtiina ah shaqsi karti iyo awood shaqsiyadeed leh kuna caanbaxay tixgalin iyo qadarin uu kula dhaqmo bulshada dhexdeeda sida ay ka markhaati kacayaan bulshada la soo dhaqantay ama hawl shaqo dhexmartay ama aqoon u leh M Gabyaaye.

 Haddaba hadaan intaas ku dhaafo tagista m.gabyaaye tagay iyo aragtida aan ka qabo aniga iyo intaan isku rayiga ahi aan u soo noqda suaasha ay iswaydiinayaan in badan oo ka mid ah bahwaynta u dhuun dalloola arimaha ciyaaraha ama inta ciyaarta kubada cagta kuna dhex jirta ee ay ugu horayso kooxihii uu Mohamed laftiisu ka tirsanaa ee ah waxa ka keenay inuu u baqoolo ila xamar lagana yaabo in jiri karaan ciyaartoy kale oo maanka ku haya ..waxaan odhan karnaa waxa keenay ama sababay fadhiidnimada iyo wax qabad la’aanta.

Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha s.land oo aan ilaa hada lahayn wax qorsho guud ahaan dhalinyarada iyo gaar ahaanba ciyaaraha dalka oo dhan.waana sababta ay intii dhalinyarada ka badbaaday balwad iyo tahriib ee u samray duruufaha ku xeeran sportska wadanka ay waayaan goal iyo himilo ay higsadaan iyo cid jihaysa maantana keentay in ciyaartoygii ugu mudnaa u hanqal taagaan xamar oo aynu ku xusuusan karno qarax ,xabad baqe iyo amni karo. Hadaba talo ahan waxaan baaq u diri lahaa madaxweynaha jamhuuriyada s land mudane Ahmed mohamed mohamud silaanyo inuu talaabo ka qaado una gurmado wasaarada.

Dhalinyarada iyo ciyaaraha qaar ahaan kubada cagta dib u eegidna ku sameeyo siyaasada xukuumada ee ku aadan wassaaradan si looga hortago in ciyaartoyda kubada cagtu qaar ahaan kooxaha heerka kowaad ama (seria A) iyo ciyaartoyda looga baajiyo inay u hanqal taagaan xamar .masuuliyiinta wasaaradana waxan odhan lahaa fadhiga ka kaco oo waa inaad keentaan qorshe aad ku jihaysaan dhalinyarta iyo ciyaaraha wadan.

Wa bilaahi tawfiiq

by Deeq Cabdilaahi Cawaale