Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga oo Lix bilood kaddib Xabsiga laga sii daayey

0
372

Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga oo Lix Bilood kaddib Xabsiga laga sii daayeyHargeysa (CH)- Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor, ayaa maanta xorriyaddiisa dib loogu soo celiyey, ka dib muddo dhowr bilood ah oo eedaymo xukuuumaddu u jeedisay uu ugu xidhnaa xabsiga Dhexe ee Hargeysa.

Cabdilaahi Abokor, ayaa xukuumaddu Xabsiga u taxaabtay badhtamaha sannadkii hore, ka dib markii ciidamo hubaysan wakhti habeennimo ah ku weerareen gurigiisa oo ku yaala xaafadda Jijiga Yar ee magaalada Hargeysa, kaddib markii lagu eedeeyey inuu ku hawlanaa falal ka dhan ammaanka, iyada oo sidoo kale loo haystay inuu aflagaaddo sharaftooda iyo karaamadooda wax u dhimaysa kula kacay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda.

HALKAN KA DAAWO