Wasaaaradda Arrimaha Gudaha oo beenisay inay shaqaalihi diiwaangelinta Madaniga lacag ka jareen

0
335

Hargeysa, Somaliand – Agaasimaha guud ee wasarada Arrimaha Gudaha Cabdisamad Cumar Maal, ayaa beeniyey in lacag laga jaray Shaqaalihii diiwaangelinta Madaniga ka shaqaynayey.

Agaasimaha wasaarada arrimaha gudaha Cabdisamad Cumar Maal oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Horta lagama jarin waxbana kama jiraan wararkaasi, qofkiiba $22 ayaa ka dhimaan oo sarifku is badelay shaqalahana waxanu kula heshiinay dollar in aanu ku siino. Wasaarada maaliyaddu waxa ay nagu dhufata qiimaaha sarifka isku badelka ah 7000 kun oo shilling halka uu suuqa uu ka yahay 7,400 SLSh, marka boqolkii dollar waxa naga dhimay 40,000, qofkastena waxa ka dhimaay 160,000 SLSH anagana bixin doona wasaraad ahaan.

Qofkaste wuxu qaatay $378 ayaa la siyey oo waad waydiin kartaan dhamaan hawlwadeenada ah, goboladana waa isku mid, waana inta yar ee saarifka oo sababtay in ay lacagtu wax ka dhinaadaan. Maadaama aanu isticmaalayne qiimaha sarifka suuqa ka wasaarad arrimaha gudaha, oo aanu shaqaalaha diiwaangelinta madaniga ku siinayne dollarka ahaan laakiinse lacagtii naloo keenay oo kaash ah, taasana keentay in sarifka ay ka dhinaato 7,000 SLSH intana wanu kula heshiinay in maamulka wasaaradda ay bixineyso lacagtaas.”.

Waxa kaleo uu agaasimahu shaaciyey in gobolka Hawd ay ka bilaabmayso diiwaangelintii Madaniga ahaa oo shaqaalihii ka shaqaynayey loo diro “Hawsha diwangelinta madaniga weji labaad, sadexaad iyo mid afraad maaha intaa way socotay, macnaha waxa aanu ka bilownay caasimada Hargeysa ee aanu gelinay, marka teamamka aanu ku tijaabinay maadama ay tahay caasimaddii oo ay ku nool yihiin dadka ugu badan ayaanu imika go’aaminay in degmooyinkii ku hareeraysna Hargeysa aanu uu gudubno gobolka Baligubadle iyo degmada salaxley uu gudubno.

Saaka waxa aanu uu raraynaa oo baxay kooxihii ugu dambeeyey  kooxaha salaxley, gobolka Hawd oo ka kooban magaalada Baliguubadle, Sayla  bari, magaalada Bali Cabane iyo degmada Dari-salaam oo imika loo dhamaystirey in loo xidhay isgaadhsiinta internetka ah, degmooyinka kale na waxa ku hawlan shirkadaha Isgaadhsiinta oo ku hawlan sidii loo xidhi lahaa internetka, marka ay dhamays tiraan shirkaduhu hawsha ay ku xidhayaan interneetka ayaa loo diri doona kooxaha hawlwadeenada diwaangelinta madaniga ah. Marka degmooyinka waxa ay diyaariyeen goobtii ay ku shaqeyn lahaayeen hawlwadenada oo la geliyey ama lagu xidhay laydhkii iyo Isgaadhsinta internetka ah. marka 3da goobood ayaa inoo soo dhamaday imika ee gobolka Hawd, degmada salaxley iyo degmada dar-salaam ayaa soo dhamaaday oo beri haddii allah yidha shaqadu ka bilaabmii doonta.”