Wakiilka IGAD ee Soomaaliya oo sheegay in shirkii Lagu qabtay Soomaaliya fariin u tahay beesha caalamka inay nabad tahay

0
326

Muqdisho, Soomaaliya – Wakiilka IGAD ee arrimaha Somalia danjire Maxamed Cabdi Afey, ayaa sheegay in shirkii IGAD ku qabsatay Muqdisho caalamka u iftiiminayey nabadgalyada ka jirta.

Wakiilku wuxuu guul ku tilmaamay shirkaasi Muqdisho lagu qabtay waxaanu amaan usoo jeediyey Danjire Afey  sida dowladda Somalia u marti-gelisay iyo ciyaarihii hiddaha dhaqanka Soomaaliyeed ee wufuudda loogu soo bandhigay Muqdisho, isagoo xusay in shirka ay ka soo baxeen qodobbo la taaban karo, waxaanu yidhi“Waxaan ku ammaanaynaa dowladda federaalka Somalia shirkan IGAD ee ay Muqdisho ku marti-gelisay. Shirkaasna wuxuu ahaa mid fariin u ah inay Soomaaliya ka jirto nabadgalyo, wana tusaale caalamka tusaya in amni la isku halleyn karo ay Somalia ka jirto,”.

Sidoo kale, ergayga IGAD ayaa sheegay in qodobbada muhiimka ah ee ka soo baxay shirkii wasiirrada IGAD ay ka mid yihiin hirgelinta federaaliisimka oo wax badan laga qabtay.

“Xukuumadda Somalia waxaan ku ammaanaynaa wixii ay ka qabatay arrinta ku saabsan u gogol-xaadhka federaaleynta Soomaaliya iyo hiigsiga 2016-ka; isagoo xusay inay muuqa-nayaan ifafaalaha inay Somalia doorasho xor ah ka dhacdo marka xilliga la hiigsanayo la gaadho,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ayaa Sabtidii doraad ku yeeshay Muqdisho shirkoodii caadiga ahaa, kaasoo la sheegay inuu ahaa mid deg-deg ah oo looga hadlayay horumarrada Somalia iyo howlaha u dhiman.