Taliyaha booliska oo ka warbixiyey mukhaadaarad dalka ku soo badanaya oo ay qabteen iyo dhalinyaro rabshaddo dhigo oo khaatiyaan laga joogay

0
333

Hargeysa, Somaliland – Taliyaha Ciidanka Booliska Jamuuriyada Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa ka warbixiyey hawlgallo balaadhan oo toddobaadkii u dambeeyey ka wadeen magaaladda Hargeysa, kuwaas oo ku soo qabqabtay dad mukhaaro ka ganacsadda iyo Dhalinyaro rabashaddo ka dhigta magaaladda.

Taliyaha ayaaa sheegay in ciidanku soo qabteen Xamri iyo Xashiishad,kaas oo uu sheegay inuu dhan yahay 905 Litir oo Xamar Ah, waxaanu tilmaamay in magaaladda ka soo galleen laba jiho oo kala duwan.

Taliyaha ayaa sheegay in si aad ah loo baadho dadku Marka ay Xuduudaha Somaliland ka baxayaan si Loo Xakameeyo Ayaa uu yidhi dhalinyarada wadanka ka tahriibaysa iyo kuwa soo galay dalka ee Oromada ah.

Waxa uu cadeeyey in ay talaabo adag ka qaadi doonaan dhalinyarada caadaysatay In ay Amaanka dalka khal-khal galiyaan waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay sidan. “Todobaadkii u dambeeyay iyo kan aynu horraantiisii ku jiraba Ciidanka Boolisku wuxuu fuliyay hawlgalo balaadhan oo wajiyo badan leh, kaasi oo ku wajahnaa Mukhaadaraad iyo dhalinyaro Koox isku disha oo sanadkii horena hawlo badan ciidanka Boolisku ka qabtay oo ilaa 550 Sharciga la hor geeyay xukunno kala duwana ku xukumay” ayuu yidhi Taliye Fadal oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sharaxay Mukhaadaraad Ciidanku qabtay “Wuxuu todobaadkan Ciidanka Boolisku qabtay Mukhaadaraad aad iyo aad u faro badan, kaas oo iskugu jira Xashiishad iyo Khamriba.Illaahay mahadii waxay Ciidanku gacanta ku dhigeen saddex Xidhmo oo Xashiishad ah oo sida Jaadka dhaadheer loo xidhay iyo Saddex Eedaysane iyo Baabuur, waxaana la hor gayn doonaa Sharciga, Ciqaabna way mutaysan doonaan.Sidoo kale Ciidanka boolisku waxay qabteen Khamri dhan sagaal boqol iyo shan(905 Litre) Litir. Khamrigaas waxaa lagu qabtay hal Eedaysane iyo laba Baabuur, waxaanu Magaalada Hargeysa ka soo galay laba jaho. Khamriga iyo Xashiishadu waxay ka mid yihiin waxyaabaha amaanka khal-khal galiya”.

Taliyaha Booliska Somaliland waxa uu sheegay in Ciidanku si adag uga hawl galay xakamaynta Tahriibta islamarkaana Dhalinyarada Somaliland ee tahriibaysa uu soo qabto. Waxa uu sheegay in 180 Qof oo ka mid ah Qoomiyadda Oromada oo tahriibaysa lagu qabtay Meelo kala duwan oo dalka ah islamarkaana dib loogu celiyay Ethiopia.

Wuxuu Taliye Fadal farriin u diray dhalinyarada Rabshadaha kasamaysa Magaalooyinka dalka, kuwaasi oo uu sheegay in Ciidanka Boolisku ka qaadi doono talaabo adag.