DAWO: Xukuumadda oo ka hadashay hadalkii ka soo yeedhay Soomaaliya ee arrimaha Macdanta iyo shirkii IGAD ku qabsatay Muqdisho

0
360

Hargeysa, Somaliland – Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in shirkii urur goboleedka IGAD ku qabsatay Soomaaliya aanu khuseyn, isla markaana waxa uu digniin u diray dawladda Soomaaliya oo uu xusay inay farogalin ku samaysay gudaha dalkoodda.

Wasiir Biixi ayaa sheegay in lixdii qodob ee lagu heshiiyey Somaliland iyo Soomaaliya ee dhowaanta ka dhacay Jabuuti, isla markaana uu madaxweynaha Jabuuti markhaati ka ahaa uu ku jiray qodob tilmaamaya in aan la carqaladeyn dhinaca horumarka iyo dhaqaalaha ee qolo waliba samaynayso.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Arrinta Macdanta, Maalintii dhaweyd 6-dii qodob ee uu Makhraatiga ka ahaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ee ay kala saxeexdeen Madaxweyneheena iyo Madaxweynaha Somalia oo aanu Muhiim u arkaynay waxaa ka mid ahaa inaan la carqaladayn oo aan la dhex galin arrimaha ku saabsan Horumarka iyo dhaqaalaha.Arrintaas uu ka hadlay Ninka Agaasimaha ah ama Warkaas ka soo baxayna wax ka jiraa ma jiro. Cid maanta ka joojin karta Somaliland inay dhaqaalaheeda, horumarkeeda iyo macdanteeda la soo baxdaana ma jirto, cid ku soo duulaysaana ma jirto Macdanteedana way wadanaysaa”

Wasiirku wuxu sheeegay inuu la xidhiidhi doono madaxweynaha Soomaaliya si arrintan ugala hadli lahaa, waxaanu yidhi “Wada hadaladu way inoo soconayaan, waanu la xidhiidhi Insha Allah Madaxweynaha laakiin, Somaliland marnaba aqbali mayso Khayraadkeeda,Nimcadeeda iyo Horumarkeeda inay cidi ka taliso, taladeeduna waa mid iyada u taala”

Sidoo kale, Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa shirkii IGAD ku qabsatay Soomaaliya ee ay kaga ku sheegtay inay taageersan yihiin midnimadda dhuleed ee Soomaaliya ayuu ku tilmaamay mid aan waxba ka khaseyn, waxaanu sheegay in urur goboleed IGAD xidhiidh fiican la yeesho.

HALKAN KA DAWO: