Cali Gurey oo xukuumadda ku dhaliilay inay ku fashilantay siyaasaddii Arrimaha Dibadda

0
384

Hargeysa, Somaliland – Guddoomiyaha 3aad ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Cali Yuusuf (Cali Gurey) ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay ku fashilantay siyaasaddii Arrimaha Dibadda iyo inay saaxiibo ka kasbato dalalka IGAD.

Cali Gurey ayaa sheegay in urur goboleedka IGAD hadalkii ka soo baxay ee ay kaga hadlayeen midnimadda Soomaaliya fariin u tahay Somaliland, isla markaana qodobadda ugu dambeeyey uun kaga hadashay wada hadalka u socda Somaliland Somalia.

Ugu horeyn Cali Gurey oo natiijaddii shirkii IGAD ku yeesheen Muqdisho ka hadlaya waxa uu yidhi“Laba arrimod Ayaan ka odhaneyna 28 sanadood markii ugu horeysay ayaa shirka IGAD lagu qabtay magaalada Muqdisho, taas waanu hambalyaynaynaa. Waxaana ay muujineysa xaalada ka soo roonaanaysa dhinaca magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhinaca nabadgalyada. Inkastoo aanu oognahay nabad-gelyada Muqdisho in ay ku fadhido shisheeye ee aanay wali soomaali ku filnayn in ay nabadgalyadeeda suugto, si kasteba ha ahaato waa talaabo horumar waanan ku hambalyaynayaa.”.

Isagoo sii falanqeynaya waxa uu yidhi “Qodobka labaad shirkani waxa muujinayaa ama aanu ka dhex akhrin karayna siyaasada arrimaha dibada Somaliland mid fadhiid ah, oo aan illaa iyo hadda aragtid bulshada caalamka ee gooni isu taaga Somaliland aanay ka dhex muuqan inta ugu yar, markii 90-kii aanu maraynay ayaad moodaysa in aanu marayno. Urur gobooleedka IGAD wuu cadeeyey mowqifkiisa iyo ujeedadisa iyo dedaalkiisa iyo waxa uu doonayo dhan in uu doonayo midnimada Soomaaliya oo isu dhan, oo ah taa macnaheedu in ay ka soo horjeedan gooni isu taaga Somaliland.

Taasna dadka haddii aanad waxbana gashaan kana samaysan (beesha caalamka) ila iyo imika ayay astaan u tahay (xukuumadda) wanan ka xuna ahay, Sababta ugu weyna ah anigu waxan uu tirinayaa siyaasada arrimaha dibadu ma qurax badnaatn karto ilaa ay siyaasada gudaha iyo xaalada dalku qurux badnayn, marka nin muurayad dawaday fool xumu isdiidsiin isma doorin karayee ma in uu dilaaco ayay Somaliland xaalkedu yahay. Fool xumada waa gudaha sawirka caalamku indhaha inuu arki maayo wax qurux badan ilaa aanu gudaha ka qurux badnaano, marka aanu fool xumadeena dee aanu iska qiirano iyo fashiladeeda aanu iska qiirano sidii aanu wax uga bedeli lahayn aanu ka taashano.”ayuu raaciyey hadalkiisa Cali Maxamed Yusuf (Cali Gurey).

waxa kale oo uu ka hadlay mujaahid Cali Gurey qodobada ka soo baxay shirki urur goboleedka ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho, oo ahaa dhowr iyo labaatan qodob oo ay ku jirto qodob ka hadlayo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Isagu sheegay in qodobka 22ad ay ku xuseen wada hadalada uu dhexyaa Somaliland iyo Soomaaliya, oo uu sheegay mujaahid Cali Gurey ururka IGAD ay qoonsatay qadiyada madax banaanida Somaliland, ayuu aqoonsatahay maamul goboleed ka tirsan dowlada fedeeralka Soomaaliya shirarkaasna uu ka mid yahay mashruuca dib u heshiisiinta ka socota dalka oo dhan.