Sonyo Umbrella, Markii Bidixda Oo Qudha Ku Qortay Ruun iyo been! W/Q. Aaden Daher

0
547

Hadii aad aragto dallad amaba NGO la isku haysto ogoow dan caam ahi ma taalo halkaas ee musuq baa la isku haystaa sidii loo kala badsan lahaa gacanta weeyna loo heli lahaa.
Dallada qabyaala ku kala olalaysatay maxaa dhalinta usoo sidaa?
Danta dhalinta Somaliland maka shaqayn kartaa?
Ma meteli karaan dhalinta Somaliland?
Su’aalahaas jawaabtooda waxaa leh jawaabtooda dhalinta Somaliland aan horena uga socdo bartaas.
Sonyo Umbrella labada garab ee aay U kala jabtay wax kale iskuma hayaan isugumana tanaasuli la’ ee waxa kaliyee isku hayaan waa ” doorkan dhalinta qaranka aan anuu dhaco iyo dhici maysid ee anaa dhici”. Warkuba waa intaa waayo meel loo wada duulaayo oo yool la wada leeyahay waxba la iskuma diideen ee-”

Marka bidixda oo qudha
Lagu qoro run iyo been
Taladaa Han bururtoo
Laba baahiyoodbaa
Isku beegmi waayee,
Nin bursaday hadu jiro
Nin wax beelay baa nool
Nin wax badsaday haduu jiro
Kala boobay baa qaday.”

Maxaa laga filan karaa marka dhalintii iyo da’dii cudooneyd ee taaga wax badan la bidaayay marka aay noqdaan kuwa hormood ka noqda ineey dhaqan xumi u horseedaan dhalintii qaranka Somaliland ee aay magacooda iyagu ku suntanayeen. Runtii bartaa waxaa ugasoo baxaya barbaarta inteedii kale in daacadnimo iyo run toona aan lagu hanan karan shaqo ee lagu kala dheereeyo dusduska iyo khiyaamada.
Sababtoo ah daacadnimadu hawl dhan baa KAA rabtaa iyo inaad wax walba sidoodii aad u fuliso, halka dusduska iyo khiyaamadu KALIYA kaa rabto inaanad wax badan qaban hawlahana aad sawiradooda qurxiso oo kaliya iyo ineey wasiiro ka dhex muuqdaan hawl shaqeedyo xidhitaan kooda oo kaliya lagu war helo iyadoo intaas AAY dheertahay in “suits” ka la badsado si aad ugu muuqato inaad tahay qof qiimo leh.
Dhalinta ku dhaqan Somaliland maanta labadaas “options” ayaa horyaal xukuumada ayaanay u taala in dhalinta somaliland ku hagto dariiqa saxda ah iyadoo waxii madmadoow ah ee dallada Sonyo Umbrella intaa lagu tilmaayo ee aay ugu yartahay 54 Local Non-gorvernmental Organisations aay waxaan labaatan ahayn jiraan ineey xaqiijiso talaabana ka qaado. Xukuumada maanta waliba wakhtigan lagu jiro waa wakhti aad xasaasi u ah waayo doorashooyinkii ayaa inagu soo fool leh taasina waxaa faa’iido badan u yeeleysaa ololaheeda waayo hadba sida aay uga hawl gasho ayaa dhalinta Somaliland cod uga mutaysanaysaa.

ADEN ABDI DAHER