Xil-Wareejintii SOLJA, Weedhihii Curad Iyo Cukuse Isku Weydaarsadeen Madasha Iyo Balanqaadkii Xuuto Ee Muddada Hoggaamintiisa Ururka

0
437

IMG_1167

Hargeysa, Somaliland – “Wasiirka Warfaafinta haddii Cukuse joogo iyo haddii mid kale joogaba Ururka SOLJA wuxuu ku khasban yahay inuu la shaqeeyo, wixii muraadkiisa ahna ka qabsado, wixii kale ee deelqaaf ah ee Wasiir Cukuse iyo wasiir kasta oo yimaada kaga yimaada Saxaafaddana waxaanu nahay Niman iska difaacaya oo aanka baqan doonin Insha Allah.” Sidaas waxa yidhi Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo ka hadlayay Xaflad xilwareejin ahayd oo ay hogaanka cusub ururka Solja kagala wareegeen hoggaankii hore ee ururkaas, taas oo maalintii Arbacadii dorraad ka dhacday hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Xafladdan oo suurta-gashay kadib markii khilaaf kala jebiyay ururka Solja lagu soo af-jaray heshiis sagaal qodob ka koobnaa oo ay labadii garab kala saxeexdeen.

Madashaa oo ay ka qayb galeen madaxda wasaarada Warfaafinta, masuuliyiinta hay’adaha kala duwan ee warbaahinta, xisbiyadda siyaasadda, weriyayaal iyo marti sharaf kale, iyadoo ay halkaas ka hadleen qaar ka mid ah masuuliyiintaas ka qayb-galay, waxaana ka mid ah xubnihii halkaas ka hadlay hoggaankii hore ee Solja.

Ugu horeyn Gudoomiyihii hore ee Ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo halkaas ka hadlay ayaa ka waramay  waayihii ururku soo maray muddadii uu xilka hayay, isla markaana wuxuu sheegay in qofka masuuliyadda ururkan qabtaa uu mudanayo dhibaato badan, isagoo ku macneeyay dhaqanka dadka saxaafadda ee ururkan ku bahoobay mid xasarad badan. “Geel kiis waxa la yidhaahdaa geel xeraba neef laga soo saaray oo la isu keenay, sidaa aawadeed geella sidaas ah qofka raacaa wuxuu ka mutaa dhibaato,” ayuu Xasan Maxamed Yuusuf dadka ururkan hoggaamintooda leh tusaale ugu soo qaatay geellaa hawsha badan ee haliba halkii laga keenay dib ugu noqonayso, hase yeeshee waxa uu u mahadnaqay xubnihii hoggaanka ururka ahaa ee la soo shaqeeyay, waxaanu yidhi: “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Hogaankii hore ee ila soo shaqeeyay muddadii aan Ururka Solja Odayga u ahaa. Alle ha u naxariistee Maxamed-rashiid Muxumed Faarax-na waxaan maanta odhan lahaa isagoo Nool oo soo jeeda ayaan idhi. Odhan maayo waxaas baan ahaan jiray iyo waxaas baan soo qabtay toona oo taariikhda ayaa sheegi doonta Insha Allah.”

Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay inay tahay markii u horaysay ee Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisaba loo doortay Saxaafadda madaxbanaan, taasina ay tahay mid aan la odhan Karin waa Urur xukumadda u gacan galay. Waxa uu sheegay inuu waxbadan soo taray saxaafadda haddana uu ku biirin doono wixii karaankiisa ah.

Gudoomiye xigeenkii hore ee ururka Maxamed Cabdi Curad ayaa isna dhiniciisa halkaa ka jeediyay, khudbad uu ku faahfaahiyay dhibaatooyinka saxaafadda haysta iyo waxyaabaha welwelka ku haya. Wuxuu xusay haldoorkii saxaafadda ka hoyday sanadkii tegay ,kuwaasoo kala ahaa, Xoghayihii ururka Maxamedrashiid Muxumed Faarax, Cabdiweli Jaambiir Ibraahim, Siciid Ismaaciil Guraase iyo Maxamed Maxamuud Kastam, oo dhamaantood ilaahay ha u naxriistee ahaa tiirar waawayn oo bahdu saxaafaddu xusuusnaan doonto. Gudoomiye Xigeenku wuxuu sheegay, in Maxamed rashiid ahaa xoghayihii ugu adkaa ee difaaca xorriyada ee soo mara ururka Solja, isla markaana wuxuu carabka ku dhuftay, in hawlihii ugu waynaa ee ay qabteen intii ay xilka hayeen ay ugu cuslayd u doodista iyo ka difaacida tacadiyada suxufiyiinta iyo saxaafadda, taasna waxaanu ka mudanay ayuu yidhi; “Cadaawad nalooga qaado dhanka xukuumadda,” isagoo intaa ku daray in waayaha ku soo wajahan saxaafada xorta ahi uu u muuqdo mid welwel leh, isla markaana xukuumaddu soo wado qorshe lagu dabrayo, laguna aamusiinayo, wuxuuna si gaar ah uga digay guddi anshax oo loo sameeyo si aan waafaqsanayn dastuurka Solja.

Curad wuxuu xusay, khilaafkii kala irdheeyay hogaanka ururka iyo gudigoodii fulintu inuu Aabbo u ahaa Wasiirka warfaafinta Cabdillaahi Cukuse, waxaanuu yidhi; “Cukuse ayaa eboole nagu noqday oo na kala firdhiyay”. Wuxuu intaa ku daray oo uu u mahadceliyay xubnihii in la soo af jaro khilaafka oo la gaadho heshiiska bud dhiga u ahaa oo ay hormood u ahaayeen Muuse Jaambiir, Farxaan Xaaji Cali iyo Maxamed Illig.

Gudoomiyaha Cusub ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto, ayaa isna madasha ka hadlay waxaanu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu Solja ka dhigi doono mid qaan gaadha oo ka baxda Khilaafaadka isla markaana noqota mid horumarta.

Waxa uu sheegay inay la shaqaynayaan Wasiirka Warfaafinta balse aanay ka aqbali doonin wax deelqaaf ah oo uga yimaada.

“Wasiirka Warfaafinta haddii Cukuse joogo iyo haddii mid kale joogaba Ururka SOLJA wuxuu ku khasban yahay inuu la shaqeeyo, wixii muraadkiisa ahna ka qabsado, wixii kale ee deelqaaf ah ee Wasiir Cukuse iyo wasiir kasta oo yimaada kaga yimaada Saxaafaddana waxaanu nahay Niman iska difaacaya oo aanka baqan doonin Insha Allah” ayuu yidhi Mr Xuuto.

Guddoomiye Xuuto, waxa uu ballan-qaadey inuu sidiisa ugu dhaqamayo heshiiskii laga gaadhay khilaafkii SOLJA, waxaanu yidhi: “Waxaan ballan-qaadayaa heshiiska laga gaadhay (Khilaafka SOLJA) inaan sidiisa u fulin doono haddii ILAAHAY yidhaahdo, saxaafadda Somaliland-na waxaan u soo jeedinayaa inay dhigto wax kasta oo xajiin ahaa oo dhex maray ururka SOLJA. Waxaan ILAAHAY ka baryayaa in saddexda sanadood ee SOLJA la ii doortay inaan qaan-gaadhsiiyo oo khilaaf dambe aanu dhex iman.”

Guddoomiyaha SOLJA, waxa uu xukuumadda ka dalbaday inay ka taageerto in la hirgeliyo xarun ay ku tababaran doonaan suxufiyiinta Somaliland, taasi oo loogu Magac dari doono Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax. “Waxa la iga sugayaa in la hirgeliyo xarun ay ku tababartaan suxufiyiinta Somaliland, sidaa daraadeed Wasiir (Cukuse) waxaan xukuumadda aad ka mid tahay uga magan ahay in suxufiyiinta Somaliland la siiyo hawshaasi wixii ay ku fulin lahaayeen, ugu yaraanna guryaha dawladda ee xukuumaddu ay xaraasheyso ay na siiso ama sida ay SONYO ugu samaysay xarunta ay noogu samayso,” ayuu yidhi Mr. Xuuto.

Waxa kale oo madasha ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Cabdillaaahi Maxamed Daahir Cukuse, waxaanuu sheegay in wasaaraddu gunnooyin u qori doonto qoysaskii ay ka baxeen marxuumiinta bahda saxaafada ka geeriyooday sanadkii tegay, isla markaana wuxuu xusay in gudoomiye xigeenkii hore ee ururka Maxamed Cabdi Curad oo dhaawac ka soo gaadhay shilkii baabuur ee Marxuum Maxamed-rashiid dhaawaciisa u u dhintay, in isagana ay ka bixin doonaan kharash dhakhtar, “ilaahayna waxaan uga baryayaa Curad inuu caafimaad siiyo jidh ahaan iyo maskax ahaanba” ayuu yidhi isagoo daba socday hadalkii iyo dhaliishii Mr Curad u jeediyay.

Cukuse wuxuu sheegay in la samayn doono guddi anshax oo ay kala shaqayn doonaan samayntiisa ururka. “Waxaanu ballan qaadaynaa inaanu la shaqayno Ururka Saxaafadda ee SOLJA, waxaanu kula shaqaynaynaa inaanu ka wada shaqayno sidii Saxaafaddu u heli lahayd Aqoon, gacan wayn ayaanu ka bixinaynaa oo anagaba waa ka mid waajibkayaga in Saxaafadda Madaxa banaan iyo ta dawladdaba aanu u raadino aqoon”, ayuu yidhi Cukuse.

Dhinaca kale madashaa waxa kale oo ka hadlay qaar ka mid ah bahda saxaafadda iyo madaxda dallada ururada bulshada ee Sonsaf, kuwaasoo dhamaantood xusay waajibaadka saxaafada ka saaran waxay dadka u baahinayaan. “waa inay saxaafadu dadka hagtaa ee maaha in dadku hagaan” sidaa waxa yidhi gudoomiyaha dallada Sonsaf Mustafe sacad.  Waxa kale oo dadka goobtaa ka hadlay ay soo dhaweeyeen heshiiska lagu soo afjaray khilaafkii ururka dhexdiisa ee ka dhashay shirkii lagu doortay hogaanka cusub. Madashaa waxa looga mahadceliyay dadkii ka soo shaqeeyay isu soo jiidista iyo gaadhista heshiiskaa, isla markaana waxa halkaa laga akhriyay qodobada ay ku heshiiyeen labadii garab ee ururku u kala jabay, kuwaasoo dib u middeeyay ururka, sababayna in xaflad xil wareejin ah oo loo midaysan yahay ay dhacdo.

Waxaanu heshiiska labada dhinac qallinka ku duugeen u dhignaa sidan:

“Heshiiska Labada Dhinac Ee Ururka SOLJA

Hoggaanka Ururka SOLJA iyo Dhinicii Ka Maqnaa Shirkii Ururka SOLJA waxay isla qaateen Qodobbada Heshiiskani oo lagu soo afjaray khilaafkii ka jiray guud ahaan ururka SOLJA ka dhashay.

  1. In Garabkii shirka Ambassador ka dhacay aan ka soo qayb galin ay aqbaleen Hoggaankii lagu soo doortay shirkaasi, si loo ilaaliyo midnimadii iyo wada-jirkii ururka SOLJA.
  2. In Wixii Tababaro, Waxbarasho iyo Fursadaha soo baxa loo sinaado.
  3. In Hoggaanka cusub ee ururka SOLJA hirgaliyo, dhamaystiro xaruntii ay bilaabeen hoggaankii hore, iyadoo loogu magac darayo Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax.
  4. In Hoggaanka Cusub bilaabo dib u heshiisiin buuxda oo la iska saamaxo wax wal oo hore u dhacay, nooc kasta oo uu ahaa.
  5. In hoggaanka ururka SOLJA si siman u ilaaliyo, Suxufiyiinta iyo Warbaahinta kuwa Dawliga ah iyo kuwa Madaxbanaan, si waafaqsan Dastuurka Ururka SOLJA iyo Xeerka Saxaafadda Somaliland ee Lr.27/2004.
  6. In Garabka aan shirka ka qayb galin la siiyo Agaasimaha Guud ee Ururka SOLJA, iyadoo la waafajinaya inuu buuxiyo shuruudaha shaqadiisa looga baahan yahay.
  7. In Xaflada Xil-wareejinta laga shaaciyo qodobbada heshiiskan.
  8. Heshiiskani waxa uu burayaa marka labada dhinac mid ka mid ahi ka baxo qodobbada heshiiska.
  9. Heshiiskani waxa uu dhaqan galayaa marka labada dhinac ay wada jir u saxeexaan.

Haddii aanu nahay labada dhinac ee ku midaysan ilaalinta iyo jiritaanka ururka Suxufiyiinta Somaliland, waxaanu si mug leh u waafaqsanahay qodobbada heshiiska isku soo dhaweynaya wadajirka guud ee SOLJA

Dhinaca koowaad:

1: Maxamed Cabdi Guuleed (Curad), Gudoomiye Xigeenkii hore Ururka SOLJA

Dhinaca Labaad:

1: Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), Gudoomiyaha Ururka SOLJA

Markhaatiyaal:
1: Farxaan Cali Axmed, Gudoomiyaha Horn Cable TV

2: Maxamed Cabdi Ilig. Agaasimaha Guud ee Horn Cable TV”

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI

HALKAN KA DHEGAYSO QODOBADA HESHISKA: