Hargeysa, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa fariin adag u diray dawladda Federaalka Somalia, taas oo uu kaga fal-celinayo hadalkii ka soo yeedhay wasiir ka tirsan dawladdsa Somalia oo uu ugu hanjabay shirkad dalka Shiinaha laga leeyahay oo macdan baadhis ka wada Somaliland.
Madaxweyne Siillaanyo waxa uu sheegay inaanay Somaliland aqbali doonin nooc kasta oo faragelin ah oo lagu soo sameeyo Xuduudaheeda dalnimo, isla markaana gef kasta oo kaga yimaada dalka deriska la ah ee Somalia ay si ugu haboon uga fal-celin doonaan.
Sidan waxa uu Madaxweynaha Somaliland ku sheegay hadal qoraal ah oo uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay mareegta bulshada ee Twitter-ka loo yaqaan maalintii shalay, isagoo dhinaca kalena masuuliyiinta dawladda Somalia u soo jeediyay inay ka fogaadaan ka hadalka arrimaha Somaliland taas oo uu sheegay inay dhaawici karto wada-hadalada u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Somalia.
“Waxaanu u soo jeedinaynaa dawladda Somalia inay ka fogaato hadalka arrimaha daakhiliga ah ee Somaliland, taas oo keliya waxyeelayn doonta wada-hadalada socda,” ayuu Madaxweynaha Somaliland ku yidhi qoraalkiisa uu ku baahiyay shalay Twitter-ka.
Sidoo kale, waxa uu Madaxweyne Axmed Siillaanyo luqad ku sheegay in aanay Somaliland aqbali doonin faro-gelin kaga timaada dalka deriskeeda ah ee Somalia, waxaanu yidhi: “Somaliland marnaba ma aqbali doonto faro-gelin nooc kasta ah oo xuduudaheeda lagu soo sameeyo, gef kastoo nagaga yimaada deriskayaga waxaanu uga jawaabi doonaa sida ugu haboon.”
Hadalkan Madaxweynaha Somaliland ayaa ka danbeeyey, kadib markii maalintii Arbacadii doraad Wasaarada macdanta iyo Petrol-ka dawlada Federaalka Soomaaliya ay uga digtay shirkad Shiine ah oo la yidhaaahdo ARC oo hawlo macdan qodis ka wada deegaanka SIMODI oo ka tirsan Gobolka Awdal ee Somaliland, taas oo u muuqata inay dawlada Soomaaliya farogelin qaawan ku hayso Somaliland, iyadoo ay socdaan wada-hadalo u dhexeeya labada dal oo bishii December ee sannadkii dhaafay ay heshiis labada dhinac Djibouti ku soo wada-gaadheen inaan labada dhinac midkoodna ku dhaqaaqin wax kastoo waxyeelanaya wada-hadalkooda.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI