Khilaaf Mar Kale Soo Kala Dhexgalay Masuulyiinta Golaha Deegaanka Boorama Iyo Xoghayaha Golahaasi

0
359

Boorama, Somaliland – Khilaaf hor leh ayaa mar kale soo kala dhexgalay masuulyiinta golaha degaanka Boorama iyo Xoghayaha dawladda Hoose ee isla golahaasi bil ku dhawaad uun kaddib markii masuulyiintaasi kala dhex galeen masuuliyiinta ugu sarreysa ee dalka ee ku sugan caasimadda Hargeysa.

Sida wararku sheegeyaan waxa khilaafkani durba saameyn ku yeeshay hawlihii golahaasi, iyadoo sida la sheegeyo Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xaddi iyo kuxigeenkiisa dheereysta go’aasadeen in xoghayaha golahaasi Xasan Yuusuf Riiraash laga joojiyo saxeexii uu ku lahaa dekumentiyada golahaasi ka baxa ee ku saabsan dhinaca dakhliga iyo arrimaha dhulka.

Inkastoo aanay ilaa imika saddexdaa masuul midkoodna ka hadal waxa dhacay, hase yeeshee xarunta golahaasi oo uu Weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh booqday ayuu ku soo arkay xafiiska Xoghayaha Dawladda Hoose ee Boorama oo xidhan, lamana ogga in xidhnaashaha xafiiskiisu la xidhiidho hawlo uu kaga maqnaa wakhtiga weriyaha Saxafi booqday iyo inuu la xidhiidho khilaafkaas la sheegay.

Maaha markii u horreysay ee khilaaf dhinaca maamulka ahi soo kala dhex galo saddexdaa masuul, hase yeeshee tan iyo intii uu golahaasi cusubi qabsaday maamulka dawladda hoose ee Boorama waxa soo maray iska hor imaadyo marmarka qaarkood gacan ka hadal iyo hub-ba la isku qaatay, waxana waayadan dambe hoos u dhacay khilaafkii u dhaxayn jiray maayarka iyo kuxigeenkiisa, kaas oo ama ku-xigeenkaasi haatan badi hawsha golahaasi gacanta ku haya safaf dhaadheerna dadweynuhu ugu jiraan, halka maayarka Booramana inta badan ka qayb qaato arrimaha siyaasadeed ee haatan ku soo kordhay degmadiisa, isla markaana Hogaamiye-beeleed ka tirsan beelaha uu ka soo jeedaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan Somaliland.

Heshiiskii u dambeeyey ee lagu dhex galo masuulyiinta golahaasi ayaa waxa ka qayb qaatay Madaxweyne ku-xigeenka dalka, kaas oo ku dardaaray inay wada-jir ugu shaqeeyaan dawladda iyo dadweynahaba.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI