Canbareyn Ka Dhan Ah Xadhig Guddoomiyaha Jaaliyadaha Sweden Loogu Gaystay Hargeysa

0
396

Hargeysa, Somaliland – Dallada ay ku bahoobeen ururrada qurba-joogta Somaliland ee ku sugan dalalka reer Yurub ee magacooda loo soo gaabiyo SSE, ayaa ka hadashay xadhig la sheegay in lagula kacay Guddoomiyaha jaaliyadaha ku nool dalka Sweden Sakariye Xasan Wacays mar uu ka soo degay madaarka diyaaraha ee Hargeysa.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Fulinta ee ururka qurba-joogga SSE, waxa guddoomiyaha jaaliyadaha Sweden waqti kooban lagu xabisay saldhigga madaarka Hargeysa, isla markaana waxay tallaabadaasi ku cambaareeyeen Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo amarkaasi bixiyey, iyagoo ka digay saamaynta ay ku yeelan karto xidhiidhka qurba-jooggu la leeyihiin dalkooda Somaliland.

SSE-yurub-300x212

War-saxaafadeedkaasi oo dhammaystiranina waxa uu u dhignaa sidan; “Dallada SSE oo ay ku bahoobeen ururrada Somaliland ee Yurub waxay baaqan kooban ku muujinayaan dareenkooda xadhigga iyo xanibaadda lagula kacay Guddoomiyaha Jaaliyadda qurbo-joogga ee dalka Sweden Mr. Zakariye Xasan Waceys, maalintii Salaasadda ee ay taariikhdu ahayd 6 Janaayo 2015.

Dallada SSE xogta ay ka heshay xubnaheeda ku sugan waddanka Somaliland waxay u xaqiijiyeen markii Guddoomiyuhu uu ka soo degay garoonka diyaaradaha (Egal) ee magaalada Hargeysa, qiyaasaha 11:00 duhurnimo maalintii Salaasadda in lagu xidhay saldhig boolis oo ku yaal garoonka dhexdiisa. Sida naloo xaqiijiyey amarka xadhigga iyo xanibaadda lagula kacay Guddoomiyaha waxa uu ahaa mid ka yimi Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee xukuumadda Somaliland mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse). Waxa kale oo naloo xaqiijiyey in masuuliyiin Qaran oo goobta ku sugnaa ay isku dayeen inay falkaa xadhigga ah baajiyaan, balse uu Wasiirku ku adkaystay in muwaadinkaa lagu xidho saldhigga ku yaal garoonka dhexdiisa.

Cambaareyn:                  

Inkastoo markii dambe guddoomiyaha loo soo celiyay xorriyadiisa, haddana Dalladu waxay cambaareynaysaa falka ka baxsan nidaamka garsoorka ee lagula kacay muwaadinka qurbo-joogga ah oo dalkiisa u soo booqday inuu soo fuliyo hawlo waxtar u leh horumarka dalka iyo dadka reer Somaliland. Dalladu in badan ayey dareen taban iyo walaac ka muujisey muwaadiniinta xadhigga iyo tacadiyada lagula kaco iyada oo maxkamad sharci ahi aanay xukumin ama soo amrin xadhigaa.

Dalladu waxay falkan u aragtaa mid waxyeelaynaya nidaamka dimuqraadiyaydeed ee ku salaysan is-tixgelinta iyo ilaalinta karaamada muwaadiniinta reer Somaliland mid dalka ku sugan iyo mid qurbaha ku suganba. Waxa kale oo dhaawacaysaa kalsoonida iyo wada shaqaynta u dhaxeeya ururrada qurbo-joogga iyo dalkooda.

Talo soo jeedin:

Dalladu waxay ku baaqaysaa ama ka codsanaysaa masuuliyiinta xukuumadda Somaliland in la ilaaliyo xushmada ay huwanyihiin muwaadiniintu. Dalladu waxay ka digeysaa in aan muwaadiniinta Somaliland si sahlan xadhig loola beegsan iyadoo aan la soo marin nidaamka garsoorka iyo maxkamadaha Somaliland ee aasaaska iyo saldhigga u ah qaabka garsoor ee waddankeena. Ilaalinta caddaaladdu waa shayga ugu qaalisan ee qaran ku hano-qaado, nidaamkiisana dawladeedna uu ku waaro.

Gunnaanad:

Ugu dambeyn waxaannu rajaynaynaa in aannu falkani wax saamayn taban ah ku yeelan kalsoonida qurbo-jooggu ay ku qabaan waddankooda, isla markaana wixii dedaalo ah ay halkoodii ka sii wadaan. Ugu dambeyn, si gaar ah ayaanu uga codsanaynaa in Guddoomiyaha Jaaliyadaha ee dalka Sweden iyo xubnaha kale ee ku wehelinayay safarka booqashada in aannu falkani marnaba hoos u dhigin kalsoonida ay ku qabaan waddankooda, isla markaana wixii hawlo ah ee ay waddanka u tageen u soo fuliyaan sida uu qorshuhu ama ku talogalku ahaa.”

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI