Awdal: Shir Beeleed Loo Xamaanqaatay Iyo Sababaha Dib U Riixay Markii Hore

0
365

Boorama, Somaliland – Deegaanka Geb oo hoos yimaadda degmada Baki ayaa waxa ku qulqulaya ergooyin kii ka qayb geli lahaa shir-beeleed loo ballansanaa inuu halkaa ka qabsoomo oo dib u dhacay dhawr jeer oo hore.

Shirbeeleedkan beelaha Samaroon oo ku soo hagaagay wakhti beelaha reer Awdal ee magacaasi wadaagaa ku kala qaybsan-yihiin arrimaha siyaasadda, iyo dhaqanka ayaan la filaynin inuu yeesho miisaankii marka hore loogu talo-galay isla markaana ay shirkaasi ka maqanaadaan hogaamiye dhaqameedyo kala duwan oo qaarkood dalka aanay dalka soo geli karin arrimo la xidhiidha dhinaca qarannimada Somaliland oo ay ka hor yimaaddeen kuna dhawaaqeen la dagaalankeeda. Inkastoo shirkbeeleedkaasi laga filayo inay ka qayb-galaan. Hogaamiye dhaqmaeedyo, siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda beelahaasi, hase yeeshee aad mooddo in weli lagu kala qaybsanyahay arrimo kale oo ku saabsan maamulka dawladda. Salaadiinta badi halkaa ku sii socota ayaa waxa ka mid ah kuwii madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey tabashooyinka gobolka, iskana diiday inay taageeraan baaqa Suldaan Wabar, iyadoo dhinaca kalena afartii maalmood ee aan soo dhaafnayba oday-dhaqameedyada beelaha reer Awdal ku muransanaayeen cidda suldaankasi ku meteli doonta shir-beeleedka, qaar ka mid ah beelahaasi haatana, oggolaadeen inay tageen shirbeeleedkaasi. In katoo aanan filaynin inay shirbeeleedkaasi ka soo baxaan go’aamadii laga filayay laba bilood ka hor, waxayse qabsoomiddiisu meesha ka saaraysaa baaqashadiisa.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI