Hargeysa (CH) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa hadal aan munaasibad ku hayn isla markaana ceeb ku ah xilka iyo masuuliyadda uu qaranka u hayo kaga fal-celiyey weedho tilmaan iyo hoga-tusaaleyn ku lammaantahay oo Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee SOLJA Maxamed Cabdi Curad ku dhaliilay hab-dhaqanka uu kula kaco iyo cadadaadiska uu ku hayo Saxaafadda.
Wasiir Cukuse oo hadal ka jeediyey Munaasibad ay xilka kula kala wareegeen hoggaanka Cusub ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo hoggaankii hore oo lagu qabtay Hotel Maansoor, waxa uu si anshaxa ka baxsan oo masuuliyadda uu hayo dhaawac ku ah isaga difaacay dhaliilaha uu ku duray Maxamed Cabdi Curad oo uu ku tilmaamay nin xanuusanaya oo u baahan in la geeyo cusbitaal lagu dabiibo.
Haddaba Halkan ka dhegayso hadalka Wasiirka
Hargeysa, Somaliland