Xarshin, Kililka Shanaad Ethiopia – Waxaa deegaanka Xarshin oo ka tirsan ismaamulka Somaalida Kilalka shanaad ee itoobiya ka dhacay mudaharaad ay dhigeen dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi.
Mudaharaadkan oo ahaa mid balaadhan aya waxa la sheegayaa inuu saamayn balaadhan ku yeeshay isuku-socodka iyo ganacsiga Magaaladda, waxaana mudaharaadkan ay sameeyeen dadka deegaanka Xarshin oo uu salka ku hayoo colaado muddo dheer soo jiitamaysay, taas oo la sheegay inuu qayb ka yahay maamulka kililka shanaad ee Itoobiya, isla-markaana ay jirto mushkilad ka dhex-taagan dadka ku dhaqan deegaankaasi.
Warka ayaa intaas ku daraya in Odayaal iyo waxgarad ka kala socda deegaanadda lagu muransanaa oo ay shaqaaqooyinkii hore uga dhaceen oo ku yaalla Arraarso iyo Cobaale dhexdooda ay kulan nabadeed iskugu yimideedn maalinti shalay magaalada Cilmi Xirsi, balse waxa lagu soo waramayaa in markii ay odayaashii labad dhinac ay bilaabeen wada-xaajoodka in ay goobta yimaadeen cagafyo iyo ciidan ka socda dawlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia, oo ka kala yimi magaalooyinka Jigjiga iyo Dhagax-buur, kuwaas oo cagta mariyay dhulkii lagu muransanaa.
Illaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo ku saabsan arrimahan oo ka soo baxay dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya, waxaana lagu soo waramayaa in xaaladda ka dhalatay rabshadahani ay weli taagan-tahay.