Wasiirka Maaliyadda Oo Kormeero Ku Tagay Goobaha Cashuur Soo Saarka Ee Degmadda Berbera

0
358

10848960_791836734185588_6759731893498536907_o 10903954_791834950852433_646465637281799424_o

Berbera, Somaliland – Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wefti uu hogaaminayay ayaa shalay kormeer ku soo maray laamaha dakhli soo saarka ee Magaalada Berbera.

Weftigan oo si kedis ah ugu waabaristay xafiisyada kastamka Berbera, sii uu ugu kuurgallo sida ay uga socdeen hawlaha cashuuraha oo si habsami ah uga socotay shaqada adeega dadweynaha ee cashuur uruurintu.

Maamulaha Kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan ayaa waxa uu war-bixin siiyay Weftiga, isaga oo sheegay in ku talogalkii dakhliga ee sanadkii dhamaaday ee 2014 uu sidii loo qorsheeyay u soo baxay, isla markaana dakhli dheeraad ahi soo xarooday.

s

Md. Gurxan waxa uu sharxay faa’iidada uu nidaamka casriga ah ee ay kastamka ka hirgeliyeen uu leeyahay , isla markaana Entary-yadii wax lagu dul qori jiray ay ka dhigeen Electronic, taas oo wax baddan fududeysay haday tahay tirakoobka iyo khaladaadkii ka iman jiray qiimaha (Under Collection-ka), Sidoo kale wuxuu sheegay in aqoonta shaqaalahana kor loo qaaday.

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyay dhamaan shaqaalaha ka hawlgala Kastamka Berbera oo uu ku tilmaamay inay yihiin laf-dhabarta shaqaalaha Wasaaarada Maaliyada.

Md. Samaale waxa kale oo uu mahad-celiyey cashuur bixiyayaasha iyo hay’adaha dawlada ee Gobolka Saaxil, gaar ahaan Dekedda Berbera,Ciidanka Booliska,Dawlada Hoose Haamaha Berbera iyo Hawlwadeenada Baanka Berbera, waxaanu dhamaantood ku booriyay wasiirku madaxdii halkaas uu kula kulmay in si wada jira loogu guntado sidii ku talagalka dakhliga  sanadkan cusub 2015-ka looga midha dhalin lahaa

Gebogebadii waxa uu Wasiirka Maaliyada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale uu kormeer ku soo maray dhamaan xafiiisyada dawlada ee Degmada Berbera sida Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, Dekeda Berbera Cali Xoor-Xoor gaar ahaan qaybta cusub ee imika lagu daray, Haamaha Berbera, Dawlada Hoose ee Berbera, Xafiiska Cashuuraha Beriga, Xafiiska xisaabaadka iyo Laybareeriga cusub ee laga hirgeliyey Gobolka Saaxil gaar ahaan degmada Berber.

Weftiga Wasiirka Maaliyada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaalle waxa ku wehelinayay Agaasimaha waaxda Kastamada, Agaasimaha miisaaniyada iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo tirakoobka,