Wasiir Arrimaha Gudaha Oo Kulan Albaabaddu U Xidhnaayeen La Yeeshay Masuuliyiin Kala Duwan

0
344

Hargeysa, Somaliland – Wasiirka wasaarada Arimaha gudaha Cali maxamed Warancade, ayaa shalay kulan albaabadu u xidhnaayeen la yeeshay Maayarka Caasimadda, Badhasaabka gobolka Hargeysa iyo Taliyaha laanta socdaalka kula yeeshay xafiiskiisa.

Inkasto si rasmi ah aan loo shaacin ujeedadda kulankoodda, haseyeeshee wararku waxay sheegayaan nidaamka wadooyinka magaaladda Hargeysa oo baryahan dambe laga dareemayo saxbadan isla markaana wasiirku soo jeediyey in wadooyinka qaarkood laga dhigo hal Haad.

Dhaninaca kale, Guddoomiyaha guddida ilaaladda hantidda iyo dabagalka Musuqmaasuqa ee golaha wakiladda Somaliland xildhibaan Maxamed Cali Xirsi ayaa waraaq uu gudbiyey wasiirka wasaarada arrimaha gudaha oo uu kaga codsanayo in gudidaas  uu hor yimaadu gudoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, kaas oo dhowaan hadal hanjabaad ah ujeediyey gudidaasi, isla markana sheegay in aanay gudidaasi iman Karin gobolka Saaxil.

Guddoomiyaha guddidan xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo shalay warbaahintu kula kulantay wasaaradda Arrimaha Gudaha mar uu ka soo baxay ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo warqadda codsiga ah ee uu wasiirka u gudbiyey maadaama oo badhasaabyadda goboladdu hoos yimaadaan wasaaradan.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI