XALKA MAANTA AAY U BAAHANTAHAY SONYO UMBRELLA MA AHA MID HADA UUN CURTAY EE WAXA WEEYE WAX INBADAN SOO JIITAMAYEY OON HOOS LOO FIIRIN. SONYO UMBRELLA SIDA AAYNU DHAMAAN ULA WADA SOCONO MARKA AAD GUUDKA KA EEGTO IYO NIDAAMKA AAY U DHISANTAHAY DALLADU XAQIIQATAN WAA MID AAD U QURXOON OO FARSHAXANIMO BADANI KU DHEEHANTAHAY AADNA KUU FARXAD GALINEYSA. LAAKIIN RUNTU WAXAAD ARKEYSAA MARKA GUDAHA AAD UGU DHAADHACDO EED ARAGTO QAABKA AAY U SHAQAYSO DALLADU OO RUNTII AH MID AAD U MUSUQ BADAN HADANA INTAAS LOO TIRIYO IN WAX BADAN AAY KA QABATO BAAHIYAHA DHALINTA SOMALILAND. ARINTAA IYADA AH AAD AYAA SONYO UMBRELLA UGU FASHILANTAHAY WAAYO MAALGASHIGII IYO CAAWIMADII LOOGU DEEQAY INEEY DHALINTA SOMALILAND TALAABO TALAABO IYO HADBA SIYAR IN WAX AAY UGA QABATO AYAA RUNTII NOQOTEY MID DAD GAAR AHI INEEY SI UMAAMUSHAAN UNA LEEXSADAAN HANTIDII DHALINTA QARANKA SOMALILAND. RUN AHAANTII SONYO UMBRELLA WAA DALLAD AAD U NASIIB BADAN SABABTOO AH DHALINTA SOMALILAND WAA DHALIN KU CAAN BAXDAY IN AAY DHIBAATOOYINKA TAABTA AANEY GAADHSIIN SAXAAFADA LAKIIN AAD UGA FAALOODA BAAHIYAHA JIRA IYO SIDA DALLADA SONYO UMBRELLA AANEY MARNABA U METELI DHALINTA SOMALILAND MARKA AAY FADHIYAAN MEHERADAHA LAGA QAXWEEYO SI WANAAGSAN IYAGOO ISUGULA QAADA DHIGA IN SONYO UMBRELLA TAHAY BARTA DHALINTA SOMALILAND KA HINQAN LAADAHAY, LAKIIN FALANQADAA IYO DHALIILAHAAS AAY ISLA WADA QAATEEN DHALINTU MA NOQDAAN QAAR AAY KA MIDHO DHALIYAAN KUNA IFTIINSHAAN XAQAA’IQA JIRA IYAGOO SI WEYN USOO BANDHIGAYA. WAANA SABABAHA KEENAY INEEY SONYO UMBRELLA KUSII NAAXDO XAQIIQ IYO XUQIIQDII DHALINTA SOMALILAND LAHAYD IYADOO AFAR INAMOOD OO KALIYA KU FUSHADA DANAHOODA GAARKA AH IYAGA OO KALIYANA U ADEEGTA. HADABA WAA MAXAY CARQALADAHA DHALINTA HAYSTA EE AAY UGA HADLI LAYIHIIN? CARQALADO HAYSTA OO DHALINTA SOMALILAND HAYSTA MA JIRAAN LAKIIN DHAQAN XUN OO AAYNU LENAHAA JIRA KAASO AH IN MARKA MAQAAXIYAHA DHALINTU ISUGU TIMAADO AMABA MEELAHA LAGU CAWEEYO, MARKA AAY QAADA DHIGAAN DHALINYARADU WAXYAABAHA KA JIRA DALKA QALAD WALBOO JIRA GODKIISA AYAAY UGU TAGAAN OO SI WANAAGSAN AYAAY ISUGU SHEEGAN WAX YAABAHA RAGAADIYEY DALKA IYO HORUMARKA INTA BADAN AAYNU KU TAANO WAX YAABAHA HAKIYA. LAKIIN WAXAA KA DHIMAN DHALINTA SOMALILAND WAXA WEEYE FICILKII IYO TALAABOOYINKII WAX LAGU SIXI LAHAA IYO QALADAADKA JIRA EE LA ISLA GARTAY LANA DAREEMAY HABKII LOOGA HAWL GALI LAHAA, HAWL GALKAAS OO AH MID U BAAHAN TALAABO IYO FICIL IYADOONEY KA MAQNEEYN IN SAXAAFADAHA DALKA AAD LOOGU QAADA DHIGO BARTAASNA WAX LAGA SIXI KARO MARKA ARIN SIDA AAY TAHAY LOOGU WADA GUNTADO. HORTA DHALINTA WAX YAABAHA XANIBA WAA WAHSI IYO WAKHTIGOO RUNTII AAD UGU ADAG OO QOF WALIBA DANIHIISA GAARKA AHI MIDBA MEEL DHIGEEN. HADABA INTA DHIIRATA EE KA HADASHA WAAQICA JIRA EE SAXAFADA AMABA WEBSITE YADA WAX KU QORA AYAA RUNTII AH QAAR DHAGAAL CULUS AAY LA GASHO SONYO UMBRELLA IYADOO KHARASH KU BIXISA INAAN MARNABA WAXII DHALIILO AH EE AAY LEEDAHAY AAN LABA DAABICIN, SIDA AAYNU WADA OGNAHAYNA WEEYNU KA WAR QABNA HABKA AAY U SHAQEEYAANE SAXAFADEENU. SONYO UMBRELLA WAXAA AAY KULMISA DALLADU 54 URUR BULSHEED AMABA “LOCAL NON-GOVERNMENTAL ORGANISATIONS”. HADABA 54 URUR INTEE KA SHAQEEYSA OO XAFIISYO LEH DIIWAAN GASHAN CASHUURTA DALKANA BIXIYA? KAMA BADNA 20 URUR MARKA LAGA REEBO KUWA SHANDADAHA LAGU SITO. HADABA MASUULIYIINTA URURKA SONYO UMBRELLA WAA KA WAR QABAAN WAXAASO DHAN HADANA INTAA MARKA AAD EEGTO WAXAA AAY ISU QABAAN QAAR HIMILOOYINKA DHALINTA WAX BADAN KA FULIYEY IYADOO WAXA KALIYA EE AAY QABTEEN YIHIIN SAWIR KOLBA MEEL LAGULA QAATO ERGEY QARAMADA MIDOOBEY SOO DIRTEY AMABA MADAXDA QARANKA OON KABA WAR QABIN FARSHAXANIMADA IYO TAKHASUSKA MAAMULKA SONYO UMBRELLA EE AH MUSUQ MAASUQA AADKA UGU XEEL DHEERYIHIIN. MAANTA IN AAYNU LA YAABNO MALIHIN IN AAYNU ARAGNO IN BEELO AAY UKALA JABTO SONYO UMBRELLA WAXAANA NASIIB DARO AH IN DHALINTA SOMALILAND AAY METELAAN SHAKHSIYAADKA NOCAASI AH EE MAANTA LABADA GUDOOMIYE MIDIBA DHAN KA LEEYAHAY ANAA HOGAANKII SAXDA AHAA EE LA DOORTEY AH. XUKUMADU HOOS HA U EEGTO SONYO UMBRELLA HANA U DIRTO “AUDIT” LABADAN MUSHARAXNA HALAGA SAARO MEESHA OO CID KALE HALA KEENO WAAYO DHALINTA SOMALILAND MAANTA UMA BAAHNA CID U KALA ABTIRISA EE CID MIDEYSA AYAY U BAAHAN YIHIIN. DALLADANA LA WADA ARAG INEEY MAGAC UYAAL TAHAY.
ADEN DEEQ