Boorama, Somaliland – Musharraxa jagadas Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga UCID, Cabdirashiid Xasan Mataan, oo hadda booqasho hawleed ku jooga magaalada Boorama ayaa Komishanka Doorashooyinka qaranka ku tilmaamay kuwo ka gaabinaya hawshii doorashooyinka, isagoo dhinaca kalena xukuumadda u soo jeediyey inay gogol nabadeed oo guurtida dalku hordseed ka tahay loo fidiyo Suldaanka baxay.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, Musharrax Cabdirashiid Xasan Mataan oo shalay shir Jaraa’id ku qabtay Boorama kana hadlaya arrinta doorashooyinka ayaa yidhi “Sidaynu ognahay doorashooyinkii way soo dhaw yihiin wakhtiguna wuu isgurayaa. Komishanka Soorashooyinka Qaranku bil ka hor ayuu xilka qabtay, kaddib waxa loo diray tababar, saddex ilaa afar casho ka hor ayey dib u soo laabteen, welina wax ku saabsan doorashooyinka may weydiinin xisbiyada qaranka. Waxaan xusuusinayaa in wakhtigii doorashooyinku soo dhawaaday loona baahan yahay inay degdeg ugu hawl-galaan wixii xisbiyada qaranka iyo daneeyayaasha doorashooyinkaasi kaga xidhanna wadajir loo dhammaystiro wixii ka khaldan ama hortaagan hawshoodana noo sheegaan.”
Musharrax Cabdirashiid oo ka hadlayey arrinta Suldaanka reer Boorama ee baxay ayaa ku taliyey in Golaha Guurtida lagu wareejiyo arrintiisa, gogol nabadeedna loo fidiyo, isagpoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi: “Horta jawaabta Madaxweynuhu ka bixiyey arrinta suldaankaasi may ahayn mid loo baahnaa, mana jiraan wax nabadgelyo darro ah oo maanta gobolka ka taagan ama ciidammo loo soo daabulo, ciidamada yaan la kadeedin oo kolba dhan loo wadin, yey la dagaalamayaan. Arrinta Suldaanka waxaan soo jeedinayaa in loo fidiyo Gogol nabadeed, Golaha Guurtidana loo xilsaaro oo hoggaanka arrintaasi ay qabsadaan golahaasi iyo golaha dhaqanka ee gobolkuna arrinta si wadajir ah Gogol nabadeed lagaga hadlo.”
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI