Boorama, Somaliland – Buuraleyda Siimoodi ee deegaanka Baki ayaa waxa ka dhacay rabshado ka dhan ah mashruuc la doonayo in shirkad ka soo jeedda dalka Shiinuhu ka dhoofiso macdan ka mid ah kuwa buurtaasi caanka ku tahay.
Sida wararku sheegeyaan kooxo dhallinyaro ah oo abaabulan, isla markaana watay gaadiid kala duwan ayaa gudaha u galay buurtaasi, ka dibna amar siiyay masuuliyiinta shirkadda Shiinaha ah iyo masuuliyiin ka joogtay Wasaaradda Macdanta goobtaasi, halkaas oo ay u sheegeen in la joojiyo macdan qodistaasi ilaa inta laga heshiinayo faa’iidooyinka dhallinyarada deegaankaasi ka soo gelaysa dhoofinta macdantaasi.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, rabshadahan iyo digniinahan loo geystay masuuliyiinta shirkaddaasi Shiinaha iyo dawladdaba ayaa muujinaysa sida aanay maalgeliyayaasha caalamku u aamini karin sidii ay si xor ah uga faa’iideysan lahaayeen maalgelinta iyo heshiisyada ay la galeen dawladda.
Waxa kale oo ay arrintani durba taabatay xukuumadda gaar ahaana wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo iyadu heshiis la gashay shirkaddaasi, hase yeeshee aan waxba lagala socodsiin dadka degaankaasi ee iyaga dhibtu ka soo gaadhayso macdan-qodistaasi, loona baahnaa in wakiillo ka socda dadka degaankaasi qayb ka noqdaan heshiisyada noocan oo kale ah.
Maaha markii u horreysay ee rabshado loo geysto shirkado heshiis dawladdu la gasho, waxaan la ogaa kuwa noocan ah oo ka dhacay gobolada Bariga dalka.
Dhinaca kale dadka degaanka laga qodayo macdanaha ama kheyraadka kale ayaa loo baahnaa wacyi-gelin la xidhiidha faa’iidooyinka ugu jira macdan soo saarista degaanadooda baahida iyo fakhrigu ku haystaan.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI