Hargaysa, Somaliland – Iyadoo Guud ahaan Caalamul islaam laga xusay Xuska Maalinta dhalashada Nabigeenii Subnaa,(N N K H) ayaa Shalay si weyn looga xusay guud ahaan Dalka Somaliland Gaar ahaan Caasimada Hargeysa, kumanaan Dadweyne kala duwan oo isugu jira Culimo awdiinn aad u tiro badan, Siyaasiyiin Iyo Waliba Marti sharaf aad u tiro badan ayaa iskugu yimid Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Hotel Mansoor Hargeysa, Munaasibadan oo si wada jira ay u soo qabanqaabiyeen Jamciyatul Axbaab Iyo Xildhibaan Axmed Yaasin SH Cali Ayaanle oo ka mida Xildhibaanada Aqalka golaha Wakiilada Somaliland .
Ugu horayn wax halkaa ka hadlay Cabdiraxmaan Aw faarax oo isagu ka socday wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland “axbaabta Rasuulka ee halkan isugu timi dhamaantiin waxaan idin leeyahay nabad galyo kor kiina ha ahaato salaam ka dib goobaha ama xafladaha caalamka la iskugu imaado ta ugu fadliga badani waa tan”.
“Ilaahay ayaa fadligii Rasuulkeena Subaanaa (N N K H ) inooga waramay kuwa ka soo hor jeesta hoog iyo halaag ayay la kulmi donaan kuwa raacaan kitaabka ayay midigta ka qaadan doonaan” ayuu sheikh Cabdiraxmaan ku soo gabgabeeyay hadalkisii .
Sidoo kale waxa halkaa hadalo waano iyo wacdi isugu jira ka soo jeediyay Xildhibaan Axmed yaasin Sh Cali Ayaanle “Dhamaanteen Waxan halkan u fadhinaa iyadoo inaga run tahay in aan waynayno Rasulkenii Subanaa (N N N K) hadaba waxa weeye in aan marwalba ku celelino hadal haynta Rasuulkenii Subanaa Rasuulkenii waxa u yimi Cali oo waxa uu ku yidhi Rasuul Allow Xaaskayga Caruurtayda iyo Waalidiintayba Marka laga reebo naftayda waan ka jeclahay Markaasu rasuulku ku yidhi, wali iimaankaagu taam maaha markii dambe ayuu ku yidhi Naftaydan waan kaa jeclahay Rasuulku markaasu yidhi imikaa iimaankaagu taam yahay markaa waa in ay muxubada rasuulku halkaa inaga gaadhaa inagana” .
Dhanka Kale waxa halkaa ka hadlay Siyaasi Aadan Ruush Oo ka mida siyaasiyiinta Somaliland “kolay culimadaa dhamaysay oo anagu waxba kama daba odhanmaynee anaguna waxa aanu leenahay waa in aynu u dhago nuglanaa waynaynta Xabiibkenii (N N K H) Laakin mid aan siyaasadaynayn ayaan xukuumada u sheegayaa maanata wax jiro iskuulo ama jaamacado la dhiganayo kuwaana waa in waxa laga qabtaa waayo xeerkeenu waxa uu leeyahay dhamaan dalku waa fasax “.
Waxa dhankiisa halkaa hadalo kooban ka soo jeediyay Wasiirka Arimah Gudaha Somaliland Cali waran cade “mudanayaal culimo owdiin jiilak cusub ee halkan fadhiya eek u ababay diinta islaamka dhamaantiin Salaamu alaykum Waa ilaahay mahadii waxa maanat isugu nimi dhalasha waynaynta xabiibkenii Subanaa oo waxa makhraati ah in dhamaanteen muxubo iyo kalgacal u qabno Rasuulkeenii Subanaa waayo inteenaas oo qof ayaa halkaa isugu yimi iyagoo ka go’antay in aan waynayno”.
Gabagabdii munaasibadaa waxa soo Af-meeray musharax madaxweyne xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen “Runtii waa maalin qiimo leh Siyaasiyiintana hadal badani halkan ugama wanaagsan waa maalintii culimada waxaan aad ugu mahad-naqayaa cid kasta oo gacan ka gaysatay xafladan.