Jigajiga, Itoobiya – Tifaftiraha Shabakada Somalilandsun Yuusuf Maxamed Xasan ayaa lagu xidhay 24/12/2014 Magaalada Jigjiga ee dawlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia, kadib markii uu ka soo laabtay Safar uu ku tagay Magaalada Adis-ababa ee Xarunta dalka Ethiopia.
Ma Jiro War rasmi ah oo Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ka soo saartay Xidhiga Suxufigan, hasayeeshe sida ay sheegayaan ilo-wareedyo aanu la xidhiidhnay waxay noo xaqiijiyeen Tifaftiraha Shabakada www.Somalilandsun Yuusuf Maxamed Xasan uu ku xidhan yahay Magaalada Jigjiga, isla markaana loo haysto war uu ciwaan uga dhigay “Jigjiga the Ethiopian Town where Bajaj is King Transporter” oo uu ku baahiyay Shabakadiisa, kaas oo ku qornaa luuqada Afka Ingiriisiga.
Warku waxa uu intaa ku darayaa inuu Tifaftiruhu uu muddo Sideed cisho ah ku xidhan yahay Magaalada Jigjiga, iyada oo aan la garanayn wakhtiga ay horgeyn doonaan Maxkamad eegta denbiga loo haysto, iyo inay iska sii deyn doonaan.
Ururka Midowga Mareegaha Internet-ka Somaliland ‘Somaliland Online Association (SOA) ayaa waxay aad uga xun yihiin xadhiga lagula kacay Tifaftiraha Shabakada Wararka ee www.Somalilandsun.com Yuusuf Maxamed Xasan, isla markaana waxay madaxda dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ka dalbanayaan inay si degdega xoriyadiisa ugu soo celiyaan Suxufigan.
Ururka Mareeguhu waxay sidaa ku sheegeen qoraal kooban oo ay ka soo saareen Xadhiga Suxufiga Yuusuf Maxamed Xasan, kaas oo uu ku saxeexan-yahay Guddoomiyaha Ururka Mareegaha Somaliland SOA Mustafe-Janaale.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI