Ciyaartoy Wasaaradda Ciyaaraha Ku Eedeeyay Inay Lacag Aanay Qaadi Karin Ku Xidhay

0
366

“Markii ayku fashilmeen inay wasaaradeenu ciyaaro qabtaan ayuu madaxweynaha Soomaaliya u qabtay horyaal taas oo keentay in dhalinyaro ciyaartoy ah oo magaca ku lahaa Hargeysa oo mushaharka qaadaneyey intay Hargeysa ka yaacaan tagan Soomaaliya si ay tartankaasi uga qaybgalaan” Ciyaartoy ka tirsan kooxaha dalka

vlcsnap-2014-12-31-20h13m35s87

Hargeysa, Somaliland – Ciyaarta kooxaha magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in ciyaartoy badani oo reer Somaliland ahi u socdaaleen Soomaaliya si ay uga qaybtalaan horyaalka Soomaaliya lagu qabanayo oo lagu dhiirigalinayo ciyaartoyga.

Sidoo kale, waxay ciyaartoygani wasaarada Ciyaaraha ku dhaliileen lacago badan oo lagu xidhay ciyaartoyga iyo dadka dhiirigaliya ciyaartoyga oo wasaaraddu ka hor joogsaday mar kasta oo ay yidhaahdaan tartan u qabtay dhalinyaradda ciyaaraha jecel.

Tobabare Saleebaan Axmed Marduuf ayaa sidoo kale xusay in tartan ay ku xusayeen xogyihii ururka Saxaafadda SOLJA oo ay sheegeen inay wasaaradda Ciyaaruhu ka hor joogsadeen, waxaanu yidhi “waxaana doonayaa in aan ciyaar baroor diiq ah u samaynayo halyeygiii xoghayihii Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, kaas oo aanu ugu qabanaynay garoonka Xawaadale, arrintaasi waxaanu kala tashanay ururka Saxaafadda SOLJA garabka cusub, dabadeed waxay noo balanqaadeen ina bixinayaan kharashkii ku bixi lahaa, iyaguna way nagaga baxeen, ka dibna markii aanu iska daynay inaanu qabanno waxa naga hortimid oo noo diiday oo iska kaashaday wasaradihii ciyaaraha iyo xidhiidhka ciyaaraha kuwaas oo noo diiday inaanu qabanno, iyadoo caado ka dhigtay in dadka ciyaaraha dhiirigalinaya in ciidan la dul keeno, waxaanay noogu hanjabeen in haddii aad qabataan ciidan idin soo idiri doonno,dabadeedna Taraboonka xawaadle daawadda oo aad u badan iyo ciyaartoygii ayaanu isnidhi way isku dhici, sidaas ayaanu ku joojinay oo aanu ku hakinay ciyaarihii, laakiin ciyaaraha waanu qabanaynaa, waad ogtihiin oo dhalinyartii wadanka way ka haajirayaan oo badhna  ku dhamaatay badaha ayaa markii ayku fashilmeen inay ciyaaro qabtaan ayuu madaxweynaha Soomaaliya u qabtay horyaal Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho taas oo keentay in dhalinyaro ciyaartoy ah oo magaca ku lahaa ee mushaharka qaadaneyey intay Hargeysa ka yaacaan tagan Soomaaliya si ay tartankaasi uga qaybgalaan lacagna uga soo helaan, walib waa ciyaartoyga la wada yaqaaano oo u safta booliska iyo kooxaha waaweyn ee Hargeysa ay ku sii qulqulayaan, mar aan shakhsiyan la xidhiidhay xogyhayaha xidhiidhka kubadda cagta ee Soomaaliya wuxuu noo sheegay inay guul iyo farxad noo tahay in ciyaartoygii Somaliland maanta Muqdisho ka ciyaaraya, kuwo kalana noo soo socdaan, Somaliland ku fashilantay inay horyaal magac leh qabato”

Tobabar Marduuf ayaa dhaliiilay in dadka dhiirigaliyey ciyaartoyga ay wasaarada Ciyaaraha niyad jabiso, isla markaana ay ka joojiso tartamadda ay u qabtaan, waxaanu yidhi “bari dhowayto waxa la sameeyey toban kooxood oo B, C iyo toban kooxood oo A oo hore u jiray, dabadeedna ay leeyihiin maanta horyaal baanu qaban karnaa, markii dambana lacag aanay qaadi Karin lagu soo rogo, taasina waxay keentay kooxihii B-da ahaa ee dhowaanta la sameeyey sidaa ku kala yaacaan ka dib markii lacagtii lagu xidhay iska bixin kari waayeen, taasina waxay keenaysa in balwaddaha bilaabaan oo dadka diriiqyada iyo fawdadda ka qaybqaataan ilayn wixii ay ku mashquuli lahaayeen waakan lacag laga dhigee, ciyaarihii iyo kooxihii way burbureen, dadka is yidhaahda ciyaarta dhiirigalinay ciidan baa loo soo dirayaa, tii u dambaysay Faadumo Siciid waa tii laga joojiyey, tii xildhibaan Xasan Cawaale waa tii laga joojiyey, anaga oo ah niman dhalinyaro o is yidhi tartan marxuum Maxamed Rashiid u qabtana xoog lagana joojiyey, halka madaxweynuhu toban kooxod oo dhisan magaaladda Berbera inta Dubay looga dalbay qalab ciyaareed oo lacagtoodda aad u faro badan tahay uu yidhi koob musharxnimadayda lagu taageerayo igu qabta, taas oo anshaxa ciyaareed meel kaga dhacaysa, waxana madaxweynaha u sheegi lahaa in lacagtaasi uga haboonayd in kooxaha sare lagu maalgaliyo oo lagu qabto ciyaarihii sharciga ahaa, wasaarada Ciyaaruhu cid kasta oo ciyaaraha wax u qabtana way u hanjabaysa, waxaana ku sheegayaa in Soomaaliya oo brubursanayd dhawr iyo labaatan sano in maanta ciyaarihii si heer sare ah uga socdeen oo lacag sadex boqol oo kun lagu bixiyey, Somaliland oo dhawr  iyo labaatan jirtayna oo nabad ah oo garoomo haysta hal ciyaar oo horyaalla lagu qaban Kari waayey, marka waxaan leeyahay way ku fashilintay xukuumaddu inay dhiirigaliso ciyaaraha”.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in ciyaartoy walba lagu xukumay in toban dollar lagu xidho, isla markaana cida u ciyaarayaana lacag gaar ah laga rabo taas oo uu sheegay inay niyad jabeen, waxaaanu yidhi“lacagta lagu xukumay A-da iyagu way iska bixin karaan oo waa dad lacag haysta, laakiin kuwo lagu xukumay A-da iyo C-da iskama bixin karaan waxayna lacagtaasi isku noqonaysa ilaa shan boqol oo dollar oo lagu shubayo wasaarada Ciyaaraha, waxaana ciyaartoyga loogu hanjabay cidii bixin wayday toban cisho gudaheed ciyaarta waanu ka saaraynaa, waxaanba lagu kala xukumay, kooxaha heerka labaad iyo kowaad, meesha ay u ciyaaraan kooxaha A-da waa boqol doolar, ciyaartoyga waliba waa toban dollar, gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa waa konton dollar, tobabaraha iyo tobabare ku xigeenkuna waa afartan dollar, dhakhtar la yidhi koox waliba dhakhtar bay yeelanaysa waa shan iyo toban dollar, lacagtaasi oo isku noqonaysaa shan boqol oo dollar, runtii waa mid ku adag, sanad kasta oo ciyaari dhacayso waa la dooonay mar kasta ciyaar la qabanaya way ku jirta, taasi markii ay dhacday in heerka labaad oo nusasaacahooga kharashkooda iskaga bixin ijray kooxaha u ciyaareyeen woxooga ka bixinayeen ay kala yaacaan,intii hadhayna sooomaliya ku socdaan”.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI