Dubai, UAE – Ciidamada Bileyska Yeman ayaa xabsiga u taxaabay 3 nin ajaanib ah ii dhalasho ahaan ka soo jeeda dalalka Bulgaria, Belgian iyo Somalia, kuwaas oo da’doodda u dhexeys 22 jir ila 48 jir, waxana mid ka mid ah 3-da nin lagu qabtay dokumentiyo ku saabsan ururka Al qaacida ah, sidaa lagu baahiyey shabakada wararka rasmiga ah ay leedahay wasarada arrimaha gudaha dalka Yeman maalinti Jimcaha ahayd.
“Qofka mid ka mid ah ayaa lagu helay dokumentiyo ay ku qoran tahay erayo taageero uu muujinaya ururka al Qaacida” ayaa lagu qoray war saxafadeedka lagu baahiyey wasaaradda Arrimaha gudaha. Sanadkii hore ciidamada amaanka ee dalka Yemen ayaa samaysay hawlgalo balaadhan oo la xidhiidha dhanka amaanka, sidii laga saari lahaa goobaha ay gacanta ugu jirto ururka al qaacida koonfurta dalka Yemen. Weeraro dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen ciidamada cirka ee dalka Maraykanka ah ku qaadeen xeryaha lagu tuhmayo inay ku jiran shakhsiyaadka ka tirsan ururka al qaacida.
Dagaalyahanda xagjirka ah ayaa looga shakisan yahay in ay fulin karaan weeraro kala duwan gudaha dalka Yemen oo xuduud dheer laleh dalka ugu weyn Iib geynta saliida iyo shidaalka ee Suucudi Arabiya, islamarkana ka mid dalalka iskaashiga la-dagalaanka argagixisnimada.
Weraarkii ugu dambeeyey ay ururka Al qaacida oo inta badan dadka Shiicaada kufaar ay ku tilmaaman, lala beegsaday kooxaha Xuutiyiinta caasimadda Sancaa bishi September ee sanadkii 2014.