Hargeysa, Somaliland – Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo kamid ah Mudanayaasha Aqalka Wakiillada Somaliland, lagana soo doorto Gobolka Awdal, ayaa naqdiyay qaabka Madaxweyne Siilaanyo uga hadlay Xaaladda Awdal, waxaanu sheegay inaan Madaxweynaha laga sugayn hadal balse laga sugayay inuu talaabo Cad qaado.
Xildhibaanka oo Maanta la Hadlay Idaacadda VOA-da, ayaa sheegay in Jawaabta Madaxweyne Siilaanyo laga sugayey ahayd Ficil “Ta Gobolka awdal uu madaxweynuhu kaga Hadlay, waxaan is leeyahay madaxweyaha jawaabtii laga sugayey hadal ma ahayn, laakiin, tallaabaa laga sugayey si dadku u degaan, waana kii ka garaabay cabashooyinkii jirey.” Ayuu yidhi Xildhibaanku.
Mudane Axmed Yaasiin, ayaa sheegay inay Haboonayd inuu Madaxweynuhu xataa xidhiidh la sameeyo Suldaanka Duurka Galay, maadaama uu madaxweyne u yahay, waxana uu isagoo arrintaas ka Hadlaya yidhi, “Jawaabtii la sugayey ficil bay ahayde hadal ma ahayn, xataa kaa ka duday ee uu sheegayey waxay ahayd inuu la xidhiidho oo may ahayn inuu hadallo iskaga yidhaahdo, siduu doonaba ha u dhigee ka cadhoodayna isagaa u madaxwyene ahe”
Xildhibaanku waxa uu tilmaamay in Madaxweyne Siilaanyo oo lixdii bilood ee u horaysya xilkiisa loo soo gudbiyay Cabashada Awdal aanu wali talaabo qaadin “Madaxweynaha iyo umaddii hadashay waynu isku waafaqsanahay, madaxweynaha masuuliyaddu waxay ka saaran tahay wax kasta oo khilaaf keenaya, cabashadanina waxay u timi isagoo lix bilood joogay, maantana lixdii ugu dambeeyye ayuu ku jiraa, xataa waxa uu xaq u leeyahay inuu yidhaahdo xaq uma lihidin waxa maqan.” Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed-yaasin.
Xildhibaanka oo ka Hadlaya sida masuuliyadda Koowaad u saaran tahay Madaxweynaha, ayaa yidhi, “cidda go’aanka laga sugaya ee laga cabanayaa wasiir ma ahee madaxweynahay leeyihiin sadburusiinyaan arkaynaaye xaqayayaga nasii,”
Xildhibaanku waxa uu sheegay inaanay Reer Awdal Somaliland cidna uga Tegi doonin, waxana uu tilmaamay in xukuumaddu Haddii ay Ogtahay inuu Suldaan Wabar uu Ciidamo Urursaday ay Waajibkeeda qabsato, waxana uu yidhi,“Arrinta Gobolka hadday ogtahay inuu suldaan wabar guutooyin urursaday oo uu soo wado maxaa Dawladaha Jaarka looga Been abuurayaa, reer Awdal hadday somaliland ka xiisoodaan oo ay Xamar u xiisoodaan Tallaanu iskugu imanaynaa, Tanna in nalooga Tago mooyaane cidna uga Tegi mayno.”
Hadalka Mudanahan Baarlamaanka ka tirsan ayaa ka dmabeeyay ka dib markii Madaxweyne Siilaanyo Jimcihii shalay Ciidanka Amar ku siiyay inay talaabo sharci ah ka qaadaan Suldaan Wabar.Madaxweynaha oo ka gaarabay Tabashada Awdal ma soo hadal qaadin wax talaabo ah oo uu qaadi doono.