Maanso Baroordiiq ah oo uu curiyey Abwaan Cabdixakiim Yuusuf Cali, Soona Baxday 29/12/2014

0
879

Abwaan Abdixakiim

Gabaygani waxa uu igu dhashay ka dib markii aan maanta maqlay geeridda ku timid xogyihii ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA, Waxaanay naftaydu igu dhalisay inaan wax ka yidhaahdo u dagaalanka xoriyatul qawlka iyo difaaca saxaafadda madax banaan oo uu hadh iyo jeer heeganka u ahaa;

Waxaanay ku bilaabantay:

  • Inaan geeri iyo mowd
  • Maxkumiin u nahayoo
  • Mahuraanka aakhiro
  • Ruuxba  maalin tagayoo
  • Macno lahayn adduunyadu
  • Waa mid aynu idilkeen
  • Muran li ‘I ogsoonahay
  • Hayeeshee midbaa daran
  • Maqalkiyo warkeeduna
  • Magli kaaga daran yahay
  • Ruuxba waa muggiisiyo
  • Magacuu lahaayee
  • Saamayta mahadhadu
  • Tani weeye maantee
  • Nagu kadisay murugada
  • Siduu yidhi macbuudkeen
  • Samir baa muhiimoo
  • Xaqu waa madhaafaan
  • Muuminkana ku waa jiba
  • Marxuumkana ilaahbaan
  • Naxariis mug weyn iyo
  • Maqfir uga baryeynaa
  • Maamuus iyo karaamiyo
  • Meeqaam sarreeyuu
  • Kamudnaa dalkiisoo
  • Milaygay ahaataba
  • Sooyaalku waa marag
  • Aan la maydhi karinoo
  • Midhihii ubeeriyo
  • Dhaxalkiisa muuqdaa
  • Lagu Milicsan doonaa
  • Dal muraayaddiisiyo
  • Mihnad qaran ku faanaa
  • Waa miidhiyaha’ee
  • Halkay maanta joogtee
  • Caalamkuna ka marag kacay
  • Raggii soo mudh bixiyee
  • Mijaha ay ku socotiyo
  • Midigta u ahaabaa
  • Maxamed lagu xasuustaa
  • Qalin aan marooriyo
  • Marin habow aqoonoo
  • Runtu tahay maciisaa
  • Maxamed lagu xasuustaa
  • Maamul iyo hogaaniyo
  • Mayal iyo aftahannimo
  • Margashada aqoonbaa
  • Maxamed lagu xasuustaa
  • Geesi aan mildhaabinoo
  • Ka maagayn xaqiiqdoo
  • Meeshii tabaysaba
  • Qalin ugu miciinaa
  • Maxamed lagu xasuustaa
  • Muwaadin xaqiiqoo
  • Noloshiisa mudo dheer
  • Ku macsuumay qarankoo
  • Guusha mahadin jiraybaa
  • Maxamed lagu xasuustaa
  • Miisaan caddaaliyoo
  • Magac iyo qabiiliyo
  • Marna eex aqoonoo
  • Usinnaa mujtamacaa
  • Maxamed lagu xasuustaa
  • Marinkii rasuulkiyo (SCW)
  • Addoon diinta maloo
  • Martabeeya khayrkoo
  • Muujiya samaantaa
  • Maxamed lagu xasuustaa
  • Muggii uu lahaa iyo
  • Maanso kaalintiisii
  • Marna koobi maysoo
  • Hadal waa mid iyo laba
  • Hadaad socotay maantoo
  • Rashiidow min aakhiro
  • Kaa yeelay mawluhu
  • Ducaan maca salaamee
  • Magan kaaga dhigayaa
  • Marka iilka lagu dhigo
  • Mawleheen su’aashiyo
  • Macnaheeda kuu sahal
  • Marinada jannada iyo
  • Lagu mari dariiqii
  • Ahlu muuminiintoo
  • Inta meel lajoogtee
  • Maxamedow rasuulkii (SCW)
  • Madashiisa lagu simay
  • Kamid noqo insha allaah